CUTUBKA 4AAD

CUTUBKA 4AAD

CAQLIGA HOOSE IYO ISTIRAATIIJIYADAHA IS-BAROOGARAAMINTA

Qiyaas fiican ayaa ah in maskaxda aadanaha loo eekeysiiyo barnaamij kombiyuutar. Waxay ka qaadataa xog (input) meelo badan oo kala duwan, kadibna waxay soo saartaa natiijooyin (output). Laakiin inta badan ma ogin waxa maskaxdeenu si hoose u qaadanayso. Dhab ahaantii, inta badan hawlaha aan qabanno waxaa xukuma garaadkeenna hoose, halkii aad ka filan lahayd maskaxda sare. Sida uu yiri Earl Nightingale: “Wax kasta oo aan ku beerno maskaxda hoose ee aan si joogto ah u xoojinno innaga oo adeegsanayna ku celcelin iyo dareen, maalin bay noqon doonaan xaqiiqo.”

CAQLIGA HOOSE

Caqligeenna hoose1 ayaa si weyn u maamula dabeecaddeena. Tani waa xaqiiqo cilmiyaysan, sidoo kale waxa ay ahayd arrin ay xuseen cilmi-nafsiyada caanka ah ee Carl Jung iyo Sigmund Freud. Xitaa qoraalladii hore sida Vedas iyo culimada ruuxiga ah ee sooyaalka ayaa tilmaamay muhiimadda caqliga hoose. Waxaan u baahannahay in aan samayno xeelado aan dib u barnaamijayn karno caqligeena hoose si ay u noqoto mid nolosheena faa’iido u leh. Maskaxdeenu waxay uruurisay dabeecado iyo caadooyin tan iyo marka aynu dhalanay kuwaasoo wali inaga hadhin ilaa maanta. Waxaa intaa dheer, waxaan si joogto ah ula kulannaa weerar xagga xayeysiiska ah, kaas oo ku dhaca dareenkeenna 24/7 — gaar ahaan internetka oo aynu nolosheena inteenna badan ku qaadanno, iyo sidoo kale deegaanka jiraal sida boodhadh xayeysiis iyo alaabaha dukaammada. Sidaas darteed, waa in si taxaddar leh u xulannaa wax kasta oo la xidhiidha maskaxdeenna, jidhkeenna, iyo laxawgeenna ama dareenkenna. Mid ka mid ah hababka ugu fiican ee dib ugu habayn karno caqliga hoose waa adeegsiga weedho dhiirrigelin ah ama hadallo gudeed (affirmations).

HADALLO-GUDEED

Weedhaha dhiirrigelinta ama hadallo gudeedka2 ah waa qalab wax ku ool ah oo lagu barnaamijiyo nafta si guul loo gaadho—ha ahaato mid shaqsiyeed ama mid ganacsi. Markaad isticmaaleyso weedho dhiirrigelin ah, xasuusnoow in aad adeegsato xilligan hadda taagan. Tusaale ahaan: "Waxaan ahay qof karti leh" ama "Waxaan ahay qof taajir ah" ayaa ka wanaagsan "Waxaan noqon doonaa kartiile" ama "Waan taajiri doonaa." Sidoo kale, waa muhiim in la ogaado in weedhahani ay si fiican u shaqeeyaan marka maskaxdu ay furan tahay oo ay u diyaar tahay in ay aqbasho — sida waaberiga hore ama fiidkii. Waqti kale oo aad u wanaagsan oo lagu celin karo weedhaha dhiirrigelinta ah waa inta lagu jiro khulwada ama muraaqada, sababtoo ah markaa maskaxdu kama hor imanayso. Weedhaha dhiirrigelinta ah waa kuwo shaqeeya, balse si ay natiijo dhab ah u yeeshaan waa in si joogto ah loogu celceliyaa si farriinta ay maskaxda hoose si cad oo xooggan u fahamto. Si loo helo natiijooyinka ugu wanaagsan, waa in lagu celceliyaa weedhahan xilliyada khulwada ama waqtiyada hurdada ka hor iyo marka aad soo toosto. Waxaa muhiim ah in la ogaado in dadka qaarkood ay haystaan aaminsanaan aad u qoto dheer oo ku saabsan jacaylka, lacagta, ama galmada. Mararka qaar, qofku wuxuu si hoose u aaminsan yahay in aanu istaahilin jacayl ama daryeel. Xaaladaha noocaas ah, weedhaha dhiirrigelinta ah keligood kuma filna, waxaana laga yaabaa in loo baahdo is cilmi-baadhis nafeed, cunto habboon, muraaqo, iyo jimicsiyo nafsi ah sida yoga-da si loo beddelo hab-dhiska fikirka una noqdo mid togan.

Waxaa jiray xaalado ay dhakhaatiirta cilminafsigu ku sameeyeen dadka bukaanada ah hab is fahan iyo naf-is-dajin ku dhisan si ay ugu rumaystaan fikrado togan. Balse waqti ka dib, fikradihii xumaa ee asalka ahaa ayaa mar kale soo laabta. Tani waxay muujinaysaa in aaminsanaantaasi ay si aad u qoto dheer ugu xidhan tahay ama ay ka timaaddo meel ka sii hoosaysa caqligeenna hoose. Si kastaba ha ahaatee, isticmaal weedho dhiirrigelin ah oo la socda khulwada si aad u hesho natiijooyin wanaagsan. Haddii aad u beddesho weedhahaas gabay ama hees la miisaan ah, maskaxdaada hoose waxay si fudud u xasuusanaysaa sida heesaha maskaxda kaa gala. Tani waa habka ugu wanaagsan ee aad u isticmaali karto haddii aad leedahay caqiidooyin kooban oo aad rabto inaad iska jarto. Markasta waa suurtagal , isku day inaad dareen togan la xidhiidhiso weedha aad ku celcelinayso, taasoo siinaysa tamar xoogan oo ka caawin karta inay dhab u noqoto.

Waxaa laga yaabaa inaad rabto inaad qaadato imtixaan online ah si aad u ogaato meelaha aad caqiidooyin xaddidan ka leedahay. Waxay noqon karaan is-jaceylka, xidhiidhada, lacagta, barwaaqada, ama farxadda. Xaaladdan, waxaad isku dayi kartaa inaad sameyso weedho dhiirigelin ah oo kala duwan adigoo adeegsanaya ereyo iyo qaabab jumladeed oo kala duwan si aad si dhakhso leh uga gudubto caqiidadaas adag. Tusaale ahaan:

  • “Anigu waxaan ahay hodan” ● “Mar walba waan taajirsanaa”

  • “Hantidu way i sugaysaa” ● “Waxaan jeclahay inaan lahaaddo ilo dhaqaale”

  • “Dadka waxay ii arkaan qof hanti leh” ● “Waxaan haystaa ilo dhaqaale oo badan”

  • “Mar walba lacag igu filan ayaan haystaa”

  • “Lacagtu waa fikrad maskaxeed, waanan fikiri karaa si aan u helo”

  • “Maadaama lacagtu tahay wax la tirin karo, way fududahay in la uruuriyo”

  • “Waxaan jeclahay inaan ka fikiro lacagta iyo inaan kasbado”

  • “Lacagtu mar walba waxay igu soo jiidataa si fudud”

  • “Saboolnimada iyo hodantinnimadu waa kaliya xaalado maskaxeed”

Marka la adeegsanayo weedho dhiirigelin ah, guud ahaan way fiican tahay in la isticmaalo xilliga hadda aad joogto, lana iska ilaaliyo weedhaha diidmada ah sida “Anigu sabool ma ihi.” Sababta ayaa ah in maskaxdu aysan kala saari karin wax dhab ah iyo wax mala-awaal ah, sidoo kale ma fahamto diidmo. Waxa kaliya ee ay maqasho waa erayga “saboolnimo.”

XEELADAHA IS-BAROGARAAMINTA

Waxaa jira xeelado kale oo aad isticmaali karto si aad maskaxdaada u barogaraamiso. Xasuusnow in waqtiga aad soo toosayso iyo waqtiga aad seexanayso ay yihiin waqtiyada ugu fiican ee isbarnaamijinta nafta. Khulwaduna waa waqti kale oo muhiim ah.

Laakiin weli waa inaad ka faa’iidaysataa inta kale ee maalinta sida ugu badan si aad maskaxdaada ugu hayso xaalad togan. Haddii aad qabato shaqo miis ah, waxaad hor fadhidaa kombuyuutar muddo 8 saacadood ah maalintii. Markaa waa inaad si fiican uga faa’iidaysataa waqtigaas. Dhagayso muusikada classical-ka ah dhowr saacadood maalintii. Waxaa sidoo kale laga helaa YouTube iyo mareegaha kale heeso binaural beats ah iyo theta brainwave entrainment kuwaas oo kaa caawin kara dejinta maskaxda.

Sidoo kale, waxaad samayn kartaa inaad is duubto adigoo sheegaya weedho dhiirigelin ah leh, ka dibna dhagayso muddo saacad ah. Si hoo, weedhaha sida “Anigu waxaan ahay qof hodan ah”, “Waxaan ahay qof soo jiidasho leh”, “Waxaan ahay qof caqli badan” waxay si tartiib ah u galayaan maskaxdaada waxayna bilaabi doonaan inay ka muuqdaan noloshaada maalinlaha ah. Waxaad sidoo kale doorbidi kartaa riyada soojeedka ah (lucid dreaming3) ama la kulanka daaweeye maskaxeed si aad ugu gudbiso caqliga hoose. Waxaa jira xeelado badan oo isbarnaamijin nafeed ah oo la heli karo. Kaliya hal ama labo dooro, kana dhig kuwo joogto ah muddo go’an.

Xasuusnow in is-barogaraaminta naftu ka kooban tahay laba qaybood:

  1. Waxaad isku barogaraaminayso

  2. Waxaad ka ilaalinayso maskaxdaada

Waxaa dhici karta inaad naftaada ku dhiirrigelinayso sida aad soojiidashada u leedahay, balse dadka kale ama adduunku waxay isku dayi karaan inay kuu sheegaan wax taas ka duwan. Abuur deegaan shaqo iyo mid qofeed oo nadiif ah, ka fogow dadka tamartaada dila, yaree waqtiga aad ku qaadato baraha bulshada, Iska ilaali xayaysiisyada kala duwan ee nooc walba leh.