HORDHACA QORAAGA

HORDHACA QORAAGA

Waxaa si weyn wax looga qoray fahamka maskaxda iyo sidii loo kobcin lahaa awoodda maskaxda si guulo waaweyn loo gaadho. Dhammaanteen waynu naqaan buugaag badan oo ka hadlaysa: xeerka soo jiidashada, xakameynta maskaxda, iyo samaynta caadooyin wanaagsan oo sii jira inta noloshaada ka dhiman. Laakiin in la dabaqo dhaqamadaas si joogto ah aad bay u adag tahay. Waxaana kasii adag marka lagu jiro caqabadaha casriga ah ee aad mooddo kuwo si gaar ah loogu qalabeeyay inay daaliyaan maskaxdeenna iyo jidhkeenna. Qodobbada sidaas oo kale ah ee tamarta maskaxda iyo jidhka nuuga waxaa ka mid ah: baraha bulshada, internetka, kharashaadka, xidhiidhada jabay, sunta deegaanka, taleefannada casriga ah, khamriga, sonkorta, kofayga iwm. Horumarinta maskax xooggan waxay u baahan tahay tababar joogto ah oo muddo dheer ah. Waxay ubaahantahay joogtayn wax ku ool ah iyo basar adag, kuwaas oo marar badan la iska indhotiro. Waxaa khalad ah in la aaminsanaado in sharciga jiidashada1 uu sahlan yahay ama in meditation-ku uu si degdeg ah u baabi'in karo niyad-jabka. Laakiin haddii aad si dhab ah kaaga go’an tahay inaad horumariso maskaxdaada si aad si joogto ah diiradda ugu saarto waxa aad rabto mustaqbalka iyo aayaha fog, natiijooyinku waxay noqon doonaan kuwo noloshaada beddeli kara. Si taas loo gaadho, waa inaad barato in aad naftaada ku tiirsanaato. Sida uu sheegay faylasuufka Hindiya ee Krishnamurti-β€œAragti ku salleysan khibrad qof kale marka ay timaado arrimaha nafsadda ama nolosha gudaha ma laha wax macne ah gabi ahaanba... Waa inaan si buuxda uga tagnaa sababtoo ah waa inaan keligeen istaagnaa.”