CUTUBKA 2AAD
CUTUBKA 2AAD
SIDEE LOO KOBCIYAA AWOODDA MASKAXDA?
Inaad fahanto in fikradahaagu ay go'aamiyaan dabeecaddaada, isla markaana aad maamuli karto fikradahaas waa tallaabada ugu horreysa. Laakiin inaad u banbaxdo routine joogto ah si aad horumariso maskaxda iyo awoodda dareenkaaga waa arrin aan la mid ahayn tan hore. Waxay u baahan tahay is edbin, hagid, iyo dulqaad. Fikradda ah in si fudud uga dhabayn karno riyooyinkeenna waa faham madhalays ah. Xaqiiqadu waxay tahay in laga yaabo inaad 30kii ilaa 40kii sano ee u danbeeyay aanad ogolaanin in riyooyinkaagu dhab noqdaan. Inaad diiradda saarto welwelka iyo walbahaarka, inaad cunto cuntooyin aan caafimaad lahayn, inaad leedahay xidhiidho xun xun, iyo inaad aaminsan tahay fikrado xaddidan ood kusoo barbaartay tan iyo yaraantaadi. Kuwan iskama tirtiri kartid hal habeen. Waxa laga yaabaa inay sannado iyo guyaal qaadato in aad iska saarto fikirro iyo aragtiyo gaar ah, waana in aad mar walba indho furan u lahaato waxa aad ka fikirayso iyo waxa aad maskaxda gelinayso.
DIB-U-EEG HABKAAGA JIMICSI
Waa Ilaahay mahaddii, waxaa jira siyaabo badan oo lagu kobcin karo maskaxda iyo awoodda dareennada. may sahlanayn siday maanta u fududahay in uu qofku bilaabi karo dadaalo uu isku horumarinayo, maadaama maanta ay jiraan ilo badan oo laga faa’iidaysan karo, gaar ahaan internet-ka iyo isgaadhsiinta casriga ah. Dhammaan weynu haysanaa agabkaas. Waxa kaliya ee aynu u baahannahay waa rabitaan xooggan, adkaysi iyo ka go’naansho. Hanaanka fudud ee lagu dhiso karo maskax xooggan waa in aad yeelato jadwal jimicsi. Qor yoolalkaaga iyo ujeeddooyinkaaga, oo isku day in aad si joogto ah u dabagasho. Tani waxay u muuqataa talo aasaasi ah, balse cunto wanaagga iyo jimicsiga waxaynu ka helnaa aragtiyo qiimo leh oo ku saabsan hab-dhaqankeenna . Waa labada tiir ee lagu dhiso maskax xooggan. Haddii aadan la socon oo daba galin tiirarkan, waxaad waajihi doontaa caqabado kugusoo laaban doona . Isku dayga inaad noqoto qof maskaxdiisa xakameeya, adigoo maalintii oo dhan TV daawanaya isla markaana cunaya macmacaan barafleh waa mid aan suurtogal ahayn. Cuntada wanaagsan iyo jimicsiga waxa lagu dhisi karaa shakhsiyad adag, jidh caafimaad qaba iyo maskax badqabta.
DIB-U- EEG HABKAAGA CUNTADA
Cunto caafimaad qabta waa hab kale oo lagu bilaabi karo horumarinta awoodda maskaxda. Waxaan u maleynayaa inaan dhammaanteen ka war qabno inaan si fiican u shaqeyn doonno haddii aynu ka fogaanno kafeyga, sonkorta, jalaatada, iyo cuntooyinka kale ee warshadaysan. Laakiin dad badan ma awoodaan inay toddobaad kaliya ka fogaadaan waxyaabahan oo si toos ah u wax yeelleeya caafimaadka maskaxda. Isku day oo tijaaabi cunto gaar ah muddo toddobaad ah. Haddii aadan u adkeysan karin, isku day inaad baadho sababta arrintaasi u dhacday. Waxaad bilaabi doontaa inaad xaqiiqsato sida deegaankaagu kuu saameeyo, sida gelitaanka dukaanka ama hudheel ay kugu riixdo inaad si dareen ah u iibsato wax aad ogtahay inuu caafimaad darro yahay. Si kale haddii loo dhigo, deegaankaagu wuxuu go’aamiyaa habdhaqankaaga.
DOORKA DEEGAANKA KUGU XEERAN
Si aad u hesho maskax xooggan, isku day inaad marka hore maamusho deegaanka kugu xeeran. Habkan, waxaad kaga fogaaneysaa fursadda guuldarrada. Maamulidda deegaanka si loo xoojiyo maskaxda waxay ka dhigan tahay inaad sida ugu macquulsan u isticmaasho fikradda yareynta waxyaabaha (minimalism1). Markaad yeelato si guud macluumaad kooban oo aan badnyan iyo buuq yar, maskaxdaadu way iftiimi doontaa. Sidaa darteed, nadiifi qolkaaga iyo xafiiskaaga, xitaa faylasha kombiyuutarkaaga. Tani waxay saameyn wanaagsan ku yeelan doontaa caafimaadkaaga maskaxeed. Dadka xiiseeya in ay wax badan uruuriyaan waxay helaan tamar maskaxeed marka ay ka takhalusaan waxii ay uruuriyeen ee ay qashinka ku tuuraan. Xaddid waqtiga aad ku bixiso telefiishanka oo dami telefoonkaaga habeenkii. Iska yaraynta korontada sidoo kale waa fikrad wanaagsan. Xitaa waxyaabo yar yar sida inaad sariirtaada ka toosto subaxdii oo aad waqti ku qaadato dabeecadda deegaanka waxay runtii ka caawin kartaa maskaxdaadu inay nidaamsanaato. Hab kale oo lagu sharraxayo fikradda ah in koonka uu yahay wax ka soo baxa maskaxda waa in “waxyaabaha dibadda ay ka tarjumayaan waxa gudaha ku jira.” Si fudud ayaan u garan karnaa shakhsiyadda qof iyadoo laga eegayo xaaladda qolka hurdadiisa. Waxa uu noqon karaa mid aad u nadiif ah oo nidaamsan ama wuxuu noqon karaa mid aan nidaamsanayn, Sida ugu habboon wuxuu noqon karaa mid nadiif ah oo habaysan, iyadoo waxyaabo yar yar meelaha qaar ku kala yaacsan yihiin. Fahamka doorka iyo muhiimadda deegaanka waa wax muhiim ah oo la ogaaday.
Waxay ka dhigan tahay inaan beddeli karno waxyaabaha iyo xaaladaha dibadda si ay si wanaagsan uga tarjumaan xaaladdeena gudaha, sidoo kalena taas beddelkeeda.
XAYAYSIINTA IYO WARBAAHINTA- SAAMAYNTA TABAN EE MASKAXDA
Sifooyinka wax burburiya ee xayaysiinta iyo warbaahinta ayaa noqda mid aad muhiim u ah marka ay dadku bilaabaan inay gudaha iska eegaan oo ay fahmaan awoodda fikirradooda gaarka ah. Haddii inta badan ficilladeennu ay ka yimaadaan maskaxda hoose; xayaysiinta iyo warbaahintuna qudhoodu waxay wax ka beddelaan oo saameeyaan deegaanka inagu xeeran, dabeedna waxay saamayn weyn ku yeeshaan sida aan u fikirno ama aan u dhaqanno. Xogo cilmiyeed ayaa daaha ka fayday in dadku ay dhibbanayaal u yihiin xayaysiinta xitaa marka ay naftooda u arkaan kuwo aan si fudud u hoggaan sami karin. Marka aynu wax aragno, maskaxdeenna sare laga yaabee inaanay si fiican u diiwaangelin, balse caqligeenna hoose si dhab ah ayay u xafidaysaa. Haddaba, si dabiici ahba, dhammaanteen waxaynu u nahay dhibbanayaal deegaanka inagu xeeran oo si dadban u saamaynaya ficilladeenna. Deegaankani waxa uu si heer sare ah u gutaa shaqadiisa, maadaama isticmaalka xad-dhaafka ah ee wax iibsigu uu si ba’an u socdo, dadkuna ay hadda ku bixiyaan ku dhawaad $1,000 (kun dollar) hal telefoon oo kaliya, halka anshaxa iyo akhlaaqdana laga tagayo oo la dayacayo.
Haddii aad si dhab ah u rabto oo ay kaa go’antahay inaad horumariso maskaxdaada, waa in ay ahaataa mid nadiif ah oo daahir ah. Yaree inaad la falgasho xayaysiinta iyo warbaahinta meelaha ay kugu saameeyaan. Warbaahintu badanaa waxay xambaarsan tahay wax taban. Maskaxdaada hoose waxay si toos ah u nuugtaa macluumaadkan taban, taasoo saameyn ku yeelanaysa hawlahaaga maalinlaha ah ee caqliga sare. Marna ma fiicna inaad si ula kac ah u raadiso xogaha iyo macluumaadka taban. Dad badan waxay isku qanciyaan inay “la socdaan xaqiiqada” taasoo ay u arkaan mid qosol ah dad badan oo si dhab ah u fahmay sida ay xaqiiqadu tahay. Ha u ogolaan in xog aan faa’iido lahayn oo ka timaadda xayaysiinta, warbaahinta, ama dad kale ay si sahal ah uga buuxsanto maskaxdaada. Si aad u yarayso saamayntan, waxaad u baahan tahay inaad is abaabusho oo aad abuurto deegaan xorriyad iyo awood leh oo kugu dhiirrigeliya fikir nadiif ah.