CUTUBKA 7AAD
CUTUBKA 7AAD
KU MILAN XIRFADO KALA JAAD AH
Ku milankaas waxaa lagu doodaa inuu ka mid yahay hababka ugu dhaqsaha badan uguna toolmoon ee lagu horumarin karo maskaxda iyo xasilloonida laxaweed. sidoo kale waa mid ka mid ah hababka ugu adag. Kasoo qaad haddii aad sanad kaliya geli lahayd barashada afka Shiinaha, isla waqtigaasna aad baran lahayd barnaamijyada kombuyuutarka ee C programming iyo fanka dagaalka ee isku difaaca gacanta ee Brazilian Ju-Jitsu. Sanadkaas wuxuu noqon lahaa mid aad u kakan oo daal badan. Wuxuu sidoo kale kuu noqon lahaa sanad aad u qiimo badan haddii aad ku guulaysan lahayd ama suurtagelin lahayd.
Tani waxay sabab u tahay in mid kasta oo ka mid ah xirfadahaas ay maskaxdaada baraan waxyaabo kala geddisan. Markay dadku wax ku baranayaan fasal, barashadaasi badanaa waa nooca ugu liita — waa barasho xifdi ah oo laga akhrinayo shaashad. Ma aha haba yaraatee hab caafimaad leh oo wax lagu barto, waana mid si joogto ah u dhacda. Habka dadka wax u bartaan waa muhiim sida maadada loo baranayo lafteeda. Sidaas darteed, Barashada afka dadka aad kula hadlayso gabi ahaanba kama mid aha barashada naxwaha. Isku dayga inaad barnaamij cusub ku samayso luuqad software ah waa ay ka duwan tahay barashada fasalka dhexdiisa. Barashada saddexdan xirfadood isku mar waa mid aan macquul ahayn casrigan. Laakiin waxaad u baran kartaa mid mid, ugu yaraan mid walba waqti goonni ah. Sidoo kale, waxaa jira noocyo kala duwan ood u weelayn karto xirfadaha.
XEELADAHA LOOGU DHEX MILMO XIRFADAHA
Waxaan horey u soo sheegnay laba ka mid ah xeeladaha lagu weeleeyo ee ugu fiican: farshaxan xooggan iyo qoraal xooggan. Labaduba waxay kugu dhiirrigalinayaan in aad adeegstao hal-abuurkaaga, waxayna kaa caawinayaan inaad xoojiso. Hal-abuurku waa aalad aad u waxtar badan oo la adeegsan karo duruuf kasta iyo xaalad kasta. Marka aad halabuurkaaga xitaa wax yar furto, waxaad dhisan kartaa horumar joogto ah, adigoo halabuurnimada iyo mala-awaalka ka dhigaya tiir sal-dhig u ah noloshaada. Laakiin si aad si buuxda ugu dhex gasho geeddi-socodka hal-abuurka, mar walba waxaa loo baahan yahay go’aan adag iyo rabitaan xooggan marka hore. Dib u milicso markii uu Mark Zuckerberg uu meel fagaare ah ka shaaciyay inuu hal sano u hurayo barashada afka Mandarinka (Shiinaha). Dadka caqliga badan waxay mar walba raadiyaan siyaabo ay ku sal ballaadhiyaan awoodda maskaxdooda. Safarku waa mid ka mid ah xeeladaha ku milanka ee ugu badan. Barashada sida dadka kala duwan u fikiraan uguna dhaqmaan waa fursad weyn oo la isugu barbar dhigo qiyamka iyo aaminsanaantaada shakhsiyadeed. Tusaalaha ugu cad ayaa ah marka dadka reer Galbeedku ay u safraan dalalka sida Hindiya iyo Thailand ee Bariga. Dadka reer Galbeedka waxay inta badan ku fooggan yihiin yoolal iyo qorsheyaal mustaqbalka ah, halka dadka Bariga ay inta badan u janjeedhaan waxa hadda socda. Dad badan waxay ugu yaraan hal sano noloshooda ku bixiyaan safar. Si kastaba ha ahaatee, badankood waxay si khaldan u wajahaan arrintan. Inta badan waxay safarka u sameeyaan marka ay noloshoodu dhammaadka u dhowdahay, waxayna isku dayaan inay booqdaan meelo badan iyagoo ka buuxinaya liis hawleedkooda. Marka la safrayo, waxaa fiican in waqti dheer lagu qaato hal meel si dhab ah loogu dhex milmo dhaqanka meeshaas. Waxaad ku dhex milmi kartaa wax kasta. Isku day inaad ku dhex milanto aragtida yaraynta(minimalism) muddo bil ah. Ha daawan TV-ga, ha isticmaalin telefoonka casriga ah, ha cunin cunto aan caafimaad qabin, ka fogow baraha bulshada, ha isticmaalin kombiyuutarka, kaliya miis nadiif ah, qol nadiif ah, dhar kooban iwm. Xasuusnow in 21 maalmood ay tahay waqtiga ay inagu qaadato in caado la sameeyo. Haddii aad caado sii waddo in ka badan 21 maalmood, waxaad caadadaas kusii wadi kartaa dadaal aad u yar marka loo eego markii aad bilowday.
TABABAR KU MILAN XANUUN LEH – NOOCA UGU FIICAN
Mid ka mid ah farsamooyinka ugu dheefta badan ee aad baran karto si aad u horumariso maskax xooggan waa inaad ogaato waxa aad neceb tahay, kadibna si niyadsami ah u qabato, ama aad samayso waxyaabaha ka soo horjeeda kuwa aad caadaysatay. Dunida casriga ah, dadka badankoodu waxay u janjeedhaan faakihaysi iyo raaxo raadis. Cabsida ugu weyn ee qofka maanta jooga haysaa waa in uu lumiyo dakhliga uu helo, taasoo keeni karta inuusan bixin karin biilka taleefanka ama telefiishinka, kuwaasoo aan wax qiimo ah u lahayn nolosha balse ka qaadanaya maskaxda boos muhim ah. Farsamo hore oo Stoic ah ayaa ah inaad muddo go’an u dhaqanto sidii qof sabool ah. Taasi waxay u muuqan kartaa wax lala yaabo, balse dhab ahaantii wax cabsi ah ma jirto. Faakihaysiga casrigan ayaa ah waxa dhab ahaantii keena cabsida badan, iyo dadaalka joogtada ah ee lagu raadinayo wax badan oo dheeraad ah. Marka aad si toos ah u waajahdo cabsidaada, waxa si weyn u yaraada awooddeeda iyo saameynteeda. Waxay saamayn leeyihiin oo kaliya marka aadan si toos ah u eegin. Tani sidoo kale waxaa lagu magacaabi karaa “shadow work”—taas oo ah inaad si toos ah u waajahdo cabsidaada gudaha. Waxaad si fudud u ogaan kartaa cabsidaada adigoo qora qoraallo hal-abuur leh ama is weydiiyo su’aalo muhiim ah, ama si sahlan u samee liis waxyaabaha aadan waligaa ka fikirin inaad sameyso, kadib is weydii sababta. Haddii aad neceb tahay ka hadalka dadweynaha hortooda, isku day inaad si joogto ah u qabato muddo bil ah. Inkastoo ay noqon karto mid xanuun badan, horumar weyn baad samayn doontaa.
DIYAAR AHOOW
Ogow in barasho qoto dheer aysan badanaa noqon doonin mid raaxo leh ama fudud. Laakiin dhammaadkeeda, waxaad ka heli doonto faa’iido weyn. Ma xasuusataa sida ay u adkeyd markii ugu horreysay ee aad baranaysay xarafyada iyo sida ereyada loo isugu xidho? Sidaas ayuu dareen ahaan u egyahay marka aad baranayso wax ugub ah oo aadan horey u aqoon. Taasi waa waxa dhab ahaantii ku milanka lagu tilmaamo. Haddii waxa aad baranayso uu yahay wax aad uga duwan waxa aad caadi u taqaanid — sida af shiinays ama farshaxan dagaal — waxaad ka helaysaa faa’iido weyn. Waxay maskaxdaada ku kallifaysaa inay u shaqeyso siyaabo cusub oo ay horay ugu carbisanayn. Waxaa muhiim ah in la ogaado in mashaariic badan horraantii la joojiyo. Inta badan dadka waxay joojiyaan go’aannadooda sanadlaha ah kaddib laba toddobaad oo kaliya bisha Janaayo. Kahor intaadan bilaabin mashruuc qaadan kara ilaa 3 bilood, hubi inaad si dhab ah u diyaar tahay oo aad 100% hubto inaad rabto inaad mashruucaasi qabato. Tani waxay kaa caawinaysaa inaad mashruuca dhamaystirto oo aanad horey uga tagin.