Afeef
Afeef
Waxaa aan ka aafeefanayaa qaladaadka laga yaabo in buugayga lagu arko ileen qoraal qalad kama dhammaado binii aadam qaldamaa ahna waan ahaye. Intii aan ka baqilahaa inaan qalad galo ayaan jeclaystay in aan qaldamo oo la I saxo bartaasna aan kasii wado wixii oo saxan.
Hordhac Sheekadaan soo socota ee la magac baxday Dalxiiskii xeebaha waa sheeko faneed aan doonayo in aan uga hadlo wanaag falidda iyo faa'iidada uu leeyahay, waxaa ku dhex dammashaadaaya nin la yiraahdo Duuri oo diyaar u ah in uu magaalo kasta safar gaaban ku tago isaga oo meelkasta wanaag uga taganaya iskana ilaalinayo in uu xumaato meel uun ka abuurto, marar dhawr ah ayuu ku badbaadayaa wanaag uu sameeyay. Waa sheeko aan ugu talagalay in ay hagto dalxiise yaasha jecel in ay magaaladooda ka tagaan oo ay mid kale aaddaan, waxaa ay qofka tusaysaa waxyaabaha mudan in la sameeyo iyo kuwa aanay fiicnayn in la falo inta dalxiiska lagu guda jiro. Waa sheeko ku dareensiin doonta dalxiiska iyo qiimahiisa, waxyaabaha ay la kulmaan dalxiise yaasha iyo sida ay mararka qaar adiga oo dalxiise ah aad ugu baahan karto in aad iska caabbin samayso.
Waxaa ay farta ku fiiqi doontaa dhaqamada ay leeyihiin dadka wanaagsan iyo kaallinya ay bulshada ku leeyihiin, waxaa ay ku tusaysaa in wax aad adigu wanaag ka wadday dhinac kale loo rogan karo oo iyagii xumaan lagaaga dhigi karo. Waxaa ay sheegaysaa in wanaagga aad samaynayso haddii aanay dadku kaa abaal
marin Alle xaggii lagaa abaalmarinayo,
Adduun ama Aakhiro mid, waxaa ay muujinaysaa in samafalka iyo wanaagga ay yihiin waxa kaliya ee qofka ka dhiga mid qalbiga hodan ka ah. Waxaa ay tibaaxaysaa in haddii arrin xummaan ahaan lahayd aad ilaaheey dartiis uga hartid aad abaalmarin wanaagsan helaysid oo uu Alle iyada oo khayrkeeda wadata uu kuugu badalaayo. Bal sheekada dhexgal oo dhinacba mar dalxiiska u raac waxa uu duuri samaynayana si wanaagsan ula soco oo xusuus dheeraad ah u yeelo ficilladiisa faa'iidada uu ka helayana fiiri.