Xumaan walba sabab ayaa keenta.

Xumaan walba sabab ayaa keenta.

Waxyabaha xun xuni way dhacaan ,wax walbana sabab ayaa ka danbaysa , ma jirto dad intay dunidan yimadeen xumantuna la kulantay . waxa jira sabab ka danbaysa xumaan walba , wax walba waxay ku edaysan yihiin waxyabaaha kale .tusale ahaan

hitler ,waan hubaa waxad ka aaminsantay ama laguu sheegay inu ahaa qof xun laakin hadaad ciyaalnimadisa u fiirsato iyo siduu kusoo koray ,waxaad ogaan dontaa in lagu sababay inuu sameeyo waxaaso xumaana ,dad badana uu dilo..

wax walboo xun oo ka dhaca aduunkan waxa jira sabab ay u dhacaan, wana sababtaas aan u leyahay ma jirto wax aayar iska dhaca . Dhanka kale waxa jira dad iyagu xumanta la dhashay oo la kulmay yaraantoodii, tusale ahaan, dad waxa jira markay yaryaraayen

galmo ahaan loo xumeyay ama tacadi kale loo gaystay ,dadkaasi hadhaw markay waawaynaadaan in tacadi qof loo gaysto waxay la noqonaysaa ama u arki donaan wax iska caadiya, waa sababta aan ku leyahay ma jiro wax aayar iska dhacaa sabab ayaa jirta.

Ma jiro wax xun oo ay dadku sameyaaan kaliya waxa jira ficil ku kicid ,tan macnaheedu waa marwalba dadku waxay sameeyaan wax u ay arkaan inay sax yihiin .waa inad aqbashaa dadka nocaas , waa inad fahanta dadkaas , waayo qof walba si gaar ah ayuu aduunka u arkaa .

badankeenu ma aqbalno xaqiiqda ah in aanay jirin wax xun ama wax la yidhaa xumaan oo ay dadku sameeyaan ama ku kacaan, wax walba meel ayay kasoo bilaabmaan . kaliya waxa aan ka hor tagi karnaa bilawga ficil kasta .