Sharaxaada “ego” iyo siday inoo khiyaanto
Sharaxaada “ego” iyo siday inoo khiyaanto
Aragtidan aniga ayaa curiyay waxaana ugu magac daray “ sax iyo khalad ma jiro” Waxanoo dhan kaliya waa is fahan la,aan, ma jiro wax la yidhaa saxnaan mana jiro wax la dhaho khalad ama wax uu shaydaan sababay .
waxa jira wax loo yaqaan EGO marka xaga cilmi nafsiga aan ka eegayno. hadaba aan kuu sharaxo waxa ay tahay Ego . waan hubaa inad la yaabi doontid maskaxdaduna isbadali donta markan ku sharaxo Ego waxay tahay.
Ego waa qayb kamida shakhsiyadaada iyo qofnimadaada, waa qaybta jecel attentionka ,waa qaybta kaa dhigta inaad wax walba isla jeclaato , ood u haysato inaad adigu cid walba ka fiican tahay, waxay soo koobtaa oo xudud u yeshaa maskaxdaada kaana dhigtaa sidii inaad adigu tahay dhaxda ama bartanka aduunka uguna fiican tahay adigu, laaakin maxay kugu taala waxaso dhan run maaha? .kaliya maskaxdaada ayaa ku aaminsiinaysa.
Ego maskaxdaada ayay qiyaantaa, waxayna kugu qasabtaa inad isla barbar dhigto dadka kale, waxayna kugu qasabtaa inaad rumaysato inaad ka fiican tahy dadka kale. Balse hadii aad dibada uga baxdo xaladan Ego ood oogada sare wax ka eegto, waxaad arki doontaa aduun kaa qarsoona, badwayn aad u dheer oo ah waxa ay runtu tahay ee ay maskaxdaadu kuu diidayso , waxaad ogaanaysaa qofnimadada saxda ah , waxaad yeelanysaa isduldhiga ,naxarista iyo xidhiidh fiican ood dadka la yeelato .
Ego waa shay maskaxdeena ku dhax jira waxayna sameysaa sida aad adunka u aragto iyadoo ka dhigaysa ama kuu sheegaysa inaad adigu dadka ugu fiican tahy. Waa qayb kamida naf jacaylkaaga ama shakhsiyadaada.
Tusaale ahaan haduu qof ku caayo , waxa kacaysa ego kuumana ogolaanayso inaad qaadato caydaas ama dhaliishaas , waxay kugu qasbi doontaa inaad is difaacdo ood iska diido edaas.
Qof walba wuxu leyahy qaab uu u turjunto xaqiiqda iyo waxa runta ah ,adunkana uu u arko .ego waxaan ku macnayn karnaa somali ahaan isla waynida naftaada ama naf jacaylka aadka ah.
dadka gaalada ah ,muslimka ah iyo xitaa kuwa qaniisyada ah . kuligood waxay ku noolyihiin aduun kala duwan oo midna midka kale lama mid ah ,si kala duwana aduunka ayay u arkaan, mana jirto sabab aad ku badali karto qof kale aragtidiisa iyo sida uu aduunka u fasirto. qof walba wuxuu isu maleyaa inuu isagu ugu saxan-yahay,
Aan u imaado aragtidaydii oo ah ma jiro wax la dhaho qalad , wax sax la dhahana majiro ,shaydaana ma jiro kaliya waxa jira is fahan la,aan, oo wax is diidaya laba aragtiyood oo kala duwan, qof walbana si gaar ah ayuu xaqiqada u turjuntaa.
Geesta kale , marka ay timaado ego waxay kacdaa ama la cariyaa marka uu qof gaar ahi uu qof kale aragtiisa iyo waxa uu naftiisa ka aminsanyahay meel uga dhaco oo uu u muujiyo inuu kasoo horjeedo aragtiisa.
qof walba wuu leyahay ego taaso micnaheedu yahay inuu qof walba isku maleeyo inay naftiisu ka fican tahay kuwa kale . waana sababta aan ku leeyahay ma jiro qalad iyo sax , kaliya laba aragtiyood oo kala duwan unbaa is qilaafa , si kale hadaan u dhigo waa iskacaabin iyo isla saxnaan un .