Hordhaca buuga
Hordhaca buuga
Xogtan waa waa xog sir ah fadlan ka taxadar xogta aad ogaatid . waxaan kuu shegayaa sida umad dhan maskaxda looga badalo ama loo maamulo . qodobadan waa hababka ay dawladuhu isticmaalaan.
Ugu horeynta aan ku yara siiyo aqoon kooban oo ku saabsan sida ay maskaxdeenu u shaqayso.
Input (Gelin) : ugu horeyn wax walba waxay ka bilaabmaan dareen wadayaashena sida ( aragga, maqalka, taabashada, dhadhanka, iyo urta) tusaale ahaan hadii aad wax uriso , waxaas aad urisay waxa loo diraa maskaxda . xogta ay soo qaadaan dareen wadayaasheen waxa loo diraa maskaxda .
Processing (Habayn) : kadibna Maskaxdu waxay ka shaqaysaa macluumaadka ay dareen wadayaasheenu usoo gudbiyeen , iyadoo tarjumeysa, habeynaysa, kuna xireysa aqoon ay hore u keydisay.
Output ( natiijada): Kadib habaynta macluumaadka, maskaxdu waxay go'aansataa sida ama qaabka ay u jawaab celinayso xogtii ay habaysay, waxa kamida qaababka ay maskaxdu u jawaab celiso inay noqoto fikrad, shucuur ama ficil.
Xusuusta: Maskaxdeenu waxay kaydisaa macluumaadka iyo khibradaha si ay u isticmaali karto mustaqbalka, sidoo kale waxay naga caawisaa inaan wax ka baranno waaya- aragnimadii hore sidoo kale aan la qabsanno xaaladaha cusub.
Barashada: maskaxdeenu waxay si joogto ah u barataa oo abuurtaa xidhiidh cusub oo ka dhexeeya unugyada maskaxda, taas oo ah sida aan u helno xirfado iyo aqoon cusub waqti ka dib.
Hadaba aan soo koobo oon hadalo kooban kuugu sheego sida ay maskaxdu u shaqayso . ugu horeyn dareen wadayaashada ayay ka bilaabmataa tusale ahaan hadaad wax aragto , waxaas aad aragtay maskaxda ayaa loo gudbiyaa , kadibna maskaxdu way habaysaa signalka ama xogta ay ka heshay araga , kadibna maskaxdu way turjuntaa xogtaa ay ka heshay indhaha , ugu danbayn waxay maskaxdu go,aansataa qaabkii ay uga falcelin lahayd shaygaas aad aragtay, felceinta maskaxdu ay bixinayso waxay noqon kartaa ficil ,fikir ama dareenba.
Waxaan filayaa inaad fahantay sida ay maskaxdeenu u shaqayso , adoo xogtan og waxa aad maamuli kartaa qof ama umad dhan .