Cutubka 3aad:
Cutubka 3aad:
Aasaaska: Sababta Isbeddellada Yaryari U Sameeyaan Farqi Weyn
Casharka 1aad: Awoodda La Yaabka Leh ee Caadooyinka Atoomiga
Muddo ku dhawaad qarni aheyd, kooxda baaskiilladaha ee Ingiriiska ayaa la halgamayey sidii ay ugu guuleysan lahaayeen tartamada caalamiga ah, iyagoo ku guuleystay hal billad oo dahab ah kaliya tartanadii Olambikada, halka aysan wax guul ah ka keenin tartankii kale ee loo yaqaan Tour de France. Qaab ciyaareedkii kooxdu wuxuu ahaa mid aan la mahadin, xitaa waxaa dhacday in mid ka mid ah shirkadaha soo saara baaskiilladaha ay diiday inay ka iibiyaan baaskiiladihii ay ku ciyaari lahaayeen.
Sannadkii 2003-dii, kooxdii Baaskiilayaasha Ingiriiska ayaa DAVE BRAILSFORD u magacawday agaasimaha hawl-gelinta kooxda.
Haddaba, intii uu xilka hayay ninkii Brailsford, waxa uu awooda saaray inuu aayar aayar wax uga badelo kooxda, horumariyana qayb walba oo ka mid ah kooxda. Waxa uu aaminsanaa in isbeddellada yar-yari ay horseedi doonaan guullo la taaban karo.
Brailsford iyo kooxdiisu waxay bilaabeen inay kolba inyar wax hagaajiyaan, waxa kamid ah waxyaabihii ay qabteen: dib-u-habaynta kuraasta baaskiiladaha, hagaajinta taayirada, iyo kor u qaadida qalabka baaskiiladaha.
Laga soo bilaabo sanadii 2007-kii ilaa 2017-kii, isbeddelladan yaryar ayaa faa’iidooyin badan dhaliyay. Kooxdii baaskiilleyda Ingiriisku waxay ku guuleysteen 66 billadood oo dahab ah tartanadii Olombikada adduunka, 178 horyaal, iyo shan koob oo Tour de France ah.
"Furaha guushoodu waxa uu ahaa inay sameeyeen isbeddello yaryar iyagoon isku dayeyn inay hal mar wax wada badalaan."
Dadka qaar ayaa u haysta in guusha wayni ay ka timaado qaadista ama samaynta ficilo waaweyn oo halmar la wada qabto, laakiin samaynta isbeddello yaryar ayaa keeni kara saameyn aad u weyn waqti ka dib. Tusaale ahaan, haddii aad maalin walba 1% horumar samaysid, sanad kadib isbeddelkaa yar iyo horumarkaa yari waxa uu noqon doonaa inaad 37% ka fiicnaatid halkii aad markii hore taagnayd, ood horumar intii hore ka badan samaysid.
Dhanka kale, haddii maalin walba 1% wax kaa sii dhacaan, muddo kadib khalaas ayaad noqon doontaa oo waad guuldarreysan doontaa.
Casharka 2aad: Isbeddellada Waaweyn Waxay Qaataan Waqti
Badanaa, waxaan doonaa inaan markaaba helno natiijooyin degdeg ah. Haddii aynaan arag natiijo degdeg ahna, waxaa laga yaabaa inaynu dib ugu laabanno caadooyinkeenii hore ama niyad jabno. Si kastaba ha ahaatee, isbeddellada yaryar ee maalinlaha ah ayaa si weyn u qaabayn kara mustaqbalkeenna. Xitaa haddii aad hadda dareemayso inaad ka fog tahay yoolalkaagii ama meeshii aad rabtay, sameynta caadooyinka saxda ah ayaa kaa caawin kara inaad guul gaarto oo aad ka rumayso hadafkaaga.
Bal dhanka kale aan ka eegno: haddii aad guul gaadhid, kadibna aad bilawdo inaad samayso caadooyin xun-xun, waxa hubaal ah inaad guuldarreysan doontid ood hoos u soo noqon doontid.
Caadooyinku waxay kuu horseedi karaan guul ama guuldarro labadaba. Markaa waa muhiim inaad fahanto sida ay u shaqeeyaan una saameeyaan noloshaada dhan walba.
Haddii aad maalin walba wax yar qabatid oo kolba inyar dhamaystirto hawshaada, kaliya niyadu kuuma dhisi doonto, balse sidoo kale waxaad baran doontaa xirfado cusub, maskaxdaadana waxaad u furi doontaa inay fikrado cusubi soo galaan. Sidoo kale waxaad xiriir fiican la yeelan doontaa dadka kale.
Si aad u dhisto caadooyin waara oo wax tar leh, waxa laga yaabaa inay kugu adkaadaan inta hore oo xitaa isku daydid inaad is dhiibto oo aadan waxba qabanba. Badanaa waxaan samaynaa isbeddello yar-yar, laakiin natiijo degdeg ah ma helno, taasoo qofka u horseeda inuu galo waxa loo yaqaan “baaliga niyad jabka”.
Sida uu qoraagu sheegay, way fududahay inuu qofku is dhiibo ama uu niyad-jabo marka uu marayo marxaladan hore ee caado samaynta. Laakiin si uu qofku uga gudbo marxaladan hore ee ay ka buuxaan niyad-jabka iyo quustu, waxa muhiim ah inuu qofku adkaysi yeesho.
"Sameynta talaabooyin yar-yar ayaa kuu horseedi doonta guulo waaweyn."
Casharka 3aad: Diirada Saar Inaad Wax Qabato, Halkii Aad Kaliya Riyoon Lahayd Ama Hamiyi Lahayd.
Badanaa waxaan maqalnaa hadalada ah “Hadaad hadaf gaara yeelatid, waxaad gaadhi doontaa guul.” Laakiin habka ama wadada aad u maraysid rumaynta hadafkaa ayaa ka muhiimsan hadafka laftiisa. Hadafku waxa uu kaliya ku siinayaa jiho iyo meel aad u socotid, laakin habkii saxda ahaa ama wadadii saxda ahayd haddii aadan u marin hadafkaa waxa laga yaabaa inaad ku guuldarreysato.
Haddii lahaanshaha hadaf kaliya lagu guulaysanayo, kooxdii baaskiiladaha ciyaaraysay ee Ingiriiska ayaa ku guuleysan lahayd.
“Furaha guushu kaliya ma aha inaad hadaf leedahay, laakin waa inaad awood saarto talaabooyinka aad hadafkaa ku gaadhaysid:.
Markaad hadaf dhiganaysid, su’aalahan is waydii:
Dhanka kale, hadaad yeelatid hadafyo badan ama yoolal badan, waxaad la kulmi kartaa afartan dhibaato:
Dhibta 1aad: Guuleystayaasha iyo Kuwa Guuldarreystay Waxay Wadaagaan Yool Isku Mid Ah
Sheekadii aan kasoo sheekaynay ee kooxda baaskiilayaasha Ingiriiska, kooxdaa waxa la tartamayay kooxo kale, koox walbi waxay rabtay inay koobka qaado. Laakin, kooxdii Ingiriisku waxay kaga duwanayd: waxay diirada saareen inay horumaro iyo talaabooyin yaryar sameeyaan, ilaa ay markii dambe natiijooyin waaweyn gaadheen oo ay koobab badan qaadeen.
Dhibta 2aad: Gaaritaanka Hadafku Waa Ku Meel Gaar
Markaad hadaf ka rumayso ama meeshii aad rabtay gaadho, tusaale ahaan, waxaad nadiifisay daaqada gurigaaga, taas macnaheedu ma aha inay daaqadu waligeed nadiif sii ahaanayso. Inaad hadaf ama gool xaqiijiso kaliya kuguma filna, laakin waxa sidoo kale lagaaga baahan yahay inaad yeelatid caado kaa caawinaysa inaad hadafkaa ama guusha aad gaadhay sii haysato ama sii wadid ilaa ay caado ka noqoneyso.
Dhibta 3aad: Hadafka Ayaa Xaddida Farxadda
Dadka qaar baa u haysta inay kaliya farxad heli doonaan markay xaqiijiyaan hadafkooda, tusaale ahaan, inuu qofku dareemi doono farxad marka shaqada la dalacsiiyo ama marka uu lacag badan helo. Haddaba, aan xaqiiqda kuu sheego: qaab fikirkani waa waxa yareeya farxadda dadka, waayo, waxay dadku ilaawaan inay ku raaxaystaan wadada ay sii marayaan inta ay ka gaadhayaan hadafkooda. Macnaha, waxay iloobaan inay farxad ku dareemaan marka ay yoolkooda kusii socdaan ee aanay wali gaadhin. Waa inaad jidka ama qaabka aad hadafkaaga ku gaadhaysid ku raaxaysatid oo aanad culays ku dareemin, waana halka laga helo farxadda dhabta ah, farxaddu maaha ugu dambeynta markaad gaadho hadafka.
Tusaale yar oo sahlan: kasoo qaad waxaad rabtaa inaad miisaanka iska jarto ood jiimka aadid. Haddii aad natiijada dambe iyo sidaad noqon doontid un eegtid, waxa laga yaabaa inaad ka caajistid ama ka niyad jabtid ficilada aad ku gaadhaysid hadafkaa. Waxa laga yaabaa inaad nacdid samaynta jimicsiga, cunista cunto caafimad leh, ama inaad dareemi waydaba firfircooni aad wax ku qabatid. Waxyaabahani waa wadadii aad ku gaadhaysay hadafkaaga, markaa waa inaad ku raaxaysataa oo aanad ku mashquulin natiijada dambe iyo meesha u dambaysa.
"Ku raaxaysiga safarka guushu wuxuu kaa dhigi karaa mid aad u faraxsan, xitaa haddii aadan weli gaarin hadafkaaga."
Dhibta 4aad: Gaadhista Hadafku Maaha Horumar Muddo Dheer Soconaya
Marka ay dadku guul gaadhaan, tusaale ahaan, marka uu qofku ku guulaysto orodada ama uu muddo lacag kaydsado, waxa laga yaabaa inuu qofku joojiyo caadadii u suurto-galisay marka horeba inuu guushaas gaadho. Tusaale ahaan, kasoo qaad qofbaa raba inuu tartanka orodada ku guulaysto; kadib waxa uu sameeyay tababar badan iyo isdiyaarin badan. Kadib marka uu ku guulaysto orodadii, waxa laga yaabaa inuu joojiyo orodkii iyo tababarkii, taasoo u keeni doonta in jidhkiisu sidii hore ku noqdo.
Halkii aad awoodaado dhan saari lahayd gaadhista hal hadaf, taa badalkeeda waxa wanaagsan inaad awooda saarto dhisida caado ama hab aad si joogto ah guulo badan iyo horumar badan ku gaadhayso. Tan macnaheedu waxa weeye: inaad abuurtid ood lahaatid hawlo aad si joogta ah u qabatid, taasoo xitaa marka aad gaadhid hadafkaaga aad sii wadid. Tusaale ahaan, halkii aad kaliya u tababaran lahayd tartanka orodada, taa badalkeeda, maalin walba orod yar ayaad samayn kartaa si uu orodku noloshaada uga mid noqdo oo uu caado kuugu noqdo.
Sidan markaad samaysid waxaad sii wadan doontaa inaad horumar sii samaysid iyo inaad guulo badan sii gaadhid.
"Waa wax laga xumaado inaad dib ugu laabato caadooyinkaagii hore kadib markaad gaadhid hadafkaaga."
Casharka 4aad: Waxaa Jira Saddex Heer Ooy Marto Beddelida Caadadu: Natiijada, Ficilka, iyo Aqoonsiga Nafta
Dadku markay rabaan inay wax baddelaan, waxay badanaa ka fikiraan natiijada ay rabaan inay ugu dambeynta gaadhaan. Tusaale ahaan, qof baa odhanayaa “Waxaan rabaa inaan is dhuubo”, kadibna wuxuu ka fikirayaa sidii uu ku dhuuban lahaa ama wadadii uu u mari lahaa. Tusaale: “Waa inaan cunaa cuntooyin caafimaad leh.”
Laakin runta marka laga hadlayo, isbeddelka dhabta ahi waa ka qoto dheer yahay kaliya inaad hadaf dhigatid oo tidhaah “Waxaasaan rabaa” ama “Waxaasaan qaban doonaa.” Isbeddelka dhabta ahi waxa uu ku xidhanyahay aqoonsiga qofka. Tan macnaheedu waa, qof walbaa wuu cuni kara cuntooyin caafimaad leh muddo cayiman, laakin haddii aadan naftaada u aqoonsanayn inaad tahay qof cuna cuntooyin caafimaad leh, waxaad dib ugu noqon doontaa sidaadii hore iyo buurnidii.
Halkii aad odhan lahayd “Cunto caafimaad leh ayaan cunayaa”, taa badalkeed waxaad tidhaa: “Anigu waxaan ahay qof cuna cunto caafimad leh.” Muhiimadu waa inaad adigu naftaada u aqoonsato inaad adigu isbeddelka tahay, halkii aad kaliya ku riyoon lahayd.
Markaad sidan u fikirtid oo naftaada kasoo qaadid inaad tahay qof cuna cunto caafimaad leh, waxaad maskaxdaada ku abuuri doontaa fikirkaa, waxaadna is arki doontaa adoo wixii aad rabtay ama sidii aad rabtay noqday, tusaale ahaan inaad noqotid “qof cuna cunto caafimad leh.”
Kaliya bedel sida aad naftaada u taqaanid iyo sida aad naftaada uga fikirtid. Ogow, waxa aad naftaada ka aamintid ayaad ugu dambeynta noqon doontaa.
Casharka 5aad: Ficilkaagu Waxa uu Ku Xidhan-Yahay Sida Aad Naftaada U Aqoonsan-Tahay
Kasoo qaad haddii aad naftaada u aqoonsan-tahay ama aad iska dhaadhicisay inaad tahay sigaaryo cab, inaad joojisid caadadaa sigaarku way kugu adkaan doontaa. Laakin haddii aadan isku aqoonsanayn inaad tahay qof sigaaryo cab ah, joojintiisuna way kuu fududaan doontaa oo saamayn kuguma yeelan doono. Si aad u samayso isbeddel waara, waxa lagaa rabaa inaad badeshid sida aad naftaada u taqaanid ama sida aad naftaada u aragtid.
Mararka qaar sababta ay inoogu adag-tahay inaynu isbeddel samayno ma taqaan? Waa inagoo nafteena ka aaminsan wax aynaan ahayn. Tusaale ahaan, dadka qaar baa yidhaahda “Anigu ma ahi qof xilli hore kaca oo waan hurdo weynahay” ama “Anigu kuma fiicni xaga tiknoolajiyada.” Fikirkan aad sidan naftaada uga fikiraysaa waa waxa kaliyee kaa hortagaan inaad isbeddel waara samaysid, waayo naftaadi ayaad ka aaminaysaa wax xun.
Si aad u badeshid sida aad naftaada u aragtid ama aaminaadaha aad naftaada ka dhaadhicisay, waxaad u baahan tahay inaad dhisto oo samayso caado kaa caawinaysa inaad noqotid qofkii aad rabtay. Tusaale yar aan ku siiyo: inaad hal saac oo kaliya wax qortid kuma noqonaysid qoraa, laakin hadaad maalin walba inyar wax qortid, muddo kadib waxaad is arki doontaa adoo qoraa weyn noqday naftaadana qoraa ahaan ka aaminay.
Laba talaabo ayaan kusoo jeedinayaa inaad qaado:
Xasuusnaw, talaabooyinka yar-yar ayaa aad u muhiim si aad u badeshid waxa aad naftaada ka aaminsan tahay. Aayar aayar u baddel fikirkaaga iyo dhaqankaagaba, adigoon isku dayayn inaad isla halmar wax baddeshid.
Casharka 6aad: Caadadu Waa Waxyaabaha Ay Maskaxdaadu Si Iskeed ah U Samayso
Maskaxdeenu waxay u qaybsantaa laba qaybood: qayb hore oo loo yaqaan “conscious” iyo qayb dambe oo la dhaho “unconscious.” . Hadaba, qaybta hore iyadu waxay qaabilsan-tahay fikirka ,inaad qof soo jeeda noqotid iyo inay wax u fiirsato oo ay xogaha habeyso. Waa qaybta kaa dhigta inaad noqotid qof wax kala garanaya oo miirqaba. Dhanka kale, qaybta dambe ee “unconscious” gabigeeduba waxay qabataa inay wax kaydiso. Waxay kaydisaa wax walboo noloshaada ku saabsan, waxyaabihii aad soo martay iyo waxyaabaha aad sida maalinlaha u samaysid.
Maskaxdeenu marwalba waxay isku daydaa inay si fudud u shaqayso oo aanay ku dhibtoon hawlaheeda. Hadaba si ay maskaxdaadu hawsha u fududaysato, waxyaabaha aad marwalba samaysid ee aad ku celcelisid, waxay u gudbisaa qaybta dambe.
Markay waxasi qaybta dambe u gudbaan, waxay u isku badelaan caado. Haddii wuxu caado noqdana, maskaxdu si iskeeda ayay u samayn doontaa iyadoon ka fikirin. Markay maskaxdu iskeed u samayso waxyaabaha qaar, waxay ka caawinaysaa inay tamar kaydsato ooy hawlahana kala fududaysato iyadoon fikir badan ku bixineyn.
Tusaale yar oo sahlan: aroortii markaad soo kacdo, waxaad is aragtaa adoo soo kacay oo cadaygii soo qaatay oo cadayana. Laakin markaad waxaaso dhan samaynaysid, kamaad fikirin; kaliya waxaad aragtay adoo cadayanaya un. Maskaxdaada ayaa la qabsatay oo waa wax aad maalin walba samaysid. Kadib maskaxdu si iskeeda ayay u qabanaysaa, iskumana dhibayso inay ka fikirto waxaas. Hadaba, sidani waa sida ay maskaxdadu caadada iskeed ugu qabato.
Casharka 7aad: Caado Walba Afartan Talaabo Ayay Ku Samaysmataa: Cue, Craving, Response, and Reward.
Caado walba, haday noqoto mid xun iyo mid wanaagsanba, afartan talaabo ayay ku samaysataa ooy raacdaa:
- Cue (Carinta): Waa meesha kowaad ee ay caadadu ka bilaabmato. Waa marka ay wax kugu qasbaan inaad wax samaysid. Inaad wax samaysid waxa kugu qasbi kara dareenada qaar, waqtiyada qaar, iyo waxyaabaha qaar ee aad aragtid ama maqashidba.
- Craving (Doonista): Waa dareen ama rabitaan aad rabtid inaad wax samaysid, kaasoo kugu dhasha kadib markii lagu cariyay.
- Response (Ficilka): Tani waa caadada lafteedii, taasoo aad samaynaysid kadib markii aad dareentay inaad wax samaysid.
- Reward (Abaalmarinta): Waa dareenka fiican ee aad dareentid ama faa’idada aad helaysid kadib markaad caadadii samaysid (ficilkii).
Sidey Iskugu Xidhan-Yihiin
Kasoo qaad inaad is waydiisay: horta markaan cadhoodo maxaan sigaarka lasoo qaataa oon u cabaa? Hadaba waa kuwan talabayinku ay ku sameysmato caadadaasi:
- Cue: Marka hore qof baa kaa cadhaysiiyay oo waxaad dareentay dareen xun.
- Craving: Kadibna waxaad dareentay inaad u bahantay sigaar.
- Response: Waad baxday oo tukaanka ayaad sigaar kasoo iibsatay, kadibna waad cabtay sigaarkii.
- Reward: Markaad sigaarkii shidatay ood cabtay, waxaad dareentay inay cadhadii kaa kala dagtay oo dareen fiican baad dareentay.
Hadaba, waxaad ogaataa maskaxdaadu afartan talaabo ayay isku xidhaa marwalba. Marka dambe ee aad cadhooto, waxaad is arki doontaa adoo raba inaad sigaar soo iibsatid oo cabtid si aad u heshid dareenkii wanaagsanaa ee aad heli jirtey sigaarka ka dib.
Inta badanee aad ku celcelisid talaabooyinkan, waa inta badan ee ay maskaxdaadu la qabsanayso. Marka dambe, waxaad is arki doontaa adigoo si aan u kas ahayn u samaynaya, oo maskaxdaada ayaa iskeed u samayn doonta. Marwalbood cadhooto, waxaad is arki doontaa adigoon ka fikirin inaad sigaar cabto; kaliya waad iska rabi doontaa adoo cabaya un.
“Cajiib! Sidani waa sida ay caadooyinku samaysmaan.”
Casharka 8aad: Afarta Xeer ee Baddelida iyo Saamaynta Caadooyinka
Si aad caado gaar ah uga takhalusto ama caado cusub u abuurtid, waxaad u baahan-tahay inaad afartan xeer raacdid kuwaasoo loogu talagalay in caadooyinka iyo dabeecadaha lagu baddelo. Afartan xeer mid walba cutub gooni ah ayaan ku sharaxi donnaa.
dhisida Caadooyin Wanaagsan
Markaad caado cusub bilaabaysid waa inaad ka dhigtaa caadadaas mid cad oo aan madmadaw ku jirin iyo wax kaa jeedinaya caadadaas. Waa inaad samaysataa wax kugu qasbaya ama kugu dhiirigalinaya inaad caadadaas ku dhaqaaqdid.
Tusaale ahaan, hadaad rabtid inaad aroortii hore u kacdid ood jimicsi orod ah samaysid, waa inaad habeenkii sii diyaarsataa ood agtaada sii dhigtid qalabkii iyo dharkii aad ku ordi lahayd aroorta, si aad markaad soo kacdidba u xasuusatid kadibna aad markaaba ku dhaqaaqdid samaynta caadadaas.
Caadadaa aad bilaabaysid waa inaad ku xidhaa waxyaabo kaloo aad ku raaxaysid.
Tusaale ahaan, hadaad jeceshay ood qu’raanka badanka dhagaysatid, aroortii markaad ordayso, eerfoono sii xidho oo sii dhagayso intaad ordayso, si uu orodku xiiso kuugu yeesho uguna raaxaysatid. Markaad sidan samaysid, caadadaas guul ayaad ka gaadhaysaa oo kama niyad jabaysid.
Fududayso waxyaabaha aad qabanaysid. Caadada cusub markaad bilaabaysid waa inaad talaabooyin yar-yar u kala jabisid.
Tusaale ahaan, hadaad rabtid inaad bilawdid wax akhriska, maalmaha hore waxaad samayn kartaa inaad maalintiiba 5 bog akhrido. Sidoo kale, hadaad rabtid inaad jimicsi orod ah samaysid, maalmaha hore 1 km ayaad ordi kartaa, kadibna halkaa ayaad kasii wadi kartaa inta dambe. Muhiimadu waa inaad caadada inta hore aayar-aayar u bilawdid oo aanad isku dayin inaad mar kaliya wax qabatid.
Naftaada abaal-mari marka aad qabatid ama dhamaystirtid caadada.
Tusaale ahaan, marka aad aroorti orodka kasoo noqotid, samayso waraaq yar ood ku qortid maalintaa inta aad soo oroday iyo horumarka aad samaysay. Amaba naftaada ayaad siin kartaa cunto yar oo macaan oo aad jeceshahay.
Markaad naftaada abaalmariso dadaalka ay samaysay awgeed, waxa kuu fududaan doonta inaad marar badana samaysid caadadaada ama ficilkaas.
Casharka 9aad: Ka Takhaluska Caadooyinka Xun-xun
Si aad uga takhalusto ama u dabar jarto caado , waa inaad dhoorkan qodob sameysaa:
- Ka dhig kuwo aan jirinba:
Waa inaad meesha ka saartaa waxyaabaha kugu qasbaya ama ku xasuusinaya ama kaa dhigaya inaad samaysid caadadaas.
Tusaale ahaan, hadaad rabtid inaad sigaarka joojisid, waxaad iska ilaalin doontaa wax walboo kaa dhigaya inaad doontid sigaarka, sida cadhada iyo saaxiibadaada caba sigaarka. Sidoo kale, hadaad rabtid inaad joojisid cunista cuntooyinka aan caafimaadkaaga u wanaagsanayn, waa inaad gurigaaga ka daadisid ood xashiishka ku wada dartid cunto walboo aan caafimaadkaaga u wanaagsanayn. - Ka dhig mid aan soo jiidasho lahayn:
Xasuuso marwalba oo ka fikir dhibaatada iyo saamaynta xun ee ay naftaada ku leedahay caadadaa xuni. Naftaada xasuusi marwalba sababta aad u rabtid inaad joojisid caadadan iyo dhibta ay kugu hayso.
- Ka dhig mid aad si adag ku samaysid:
Ka dhig caadadaa xun mid aad si adag ku samaysid, kasoo qaad inay tahay hawl shaqo badan u baahan oo aan si fudud lagu samayn karin, si aad u nacdid caadadaas.
Tusaale ahaan, hadaad rabtid inaad joojisid daawashada TV-ga, markaad daawashadiisa dhamaysatid, xadhkaha oo dhan ka saar oo meel ku xaree. Hadhaw, hadaad dib u doontid inaad daawatid TV-ga, waxaad is odhan doontaa: “Shaqo badan buu u baahan=yahay, ee naga daa, waxba daawan maynabee” waad ka niyad jabi doontaa. Muhiimadu waa inaad caadada xun ka dhigtid mid aan si sahlan lagu samayn karin oo adag. - Ka dhig mid raaxo la’aan ah:
Caadada xun waa inaad ka dhigtaa mid aanad ka helin wax abaalmarin.
Tusaale ahaan, waxaad samayn kartaa: saaxibkaa ayaad ku odhan kartaa “ saaxib iga war- hay oo xaaladayda la soco, caado xun baan rabaa inaan joojiyee”. waxaad usii raacisaa intaa “ saaxiib marwalboon isku dayo samaynta caadadaas waa inaad iga qabataa oo iga canaanataa”.
Hadaad afartan xeer raacdid, waxa hubaal ah inaad caadooyin wanaagsan samayn doontid, kuwii hore ee xumaana aad meesha ka saari doontid.