Cutubka 2aad: HORDHACA BUUGGA

Cutubka 2aad: HORDHACA BUUGGA

JAMES CLEAR, oo ah qoraaga buuggan “Atomic Habits”, waxa uu la soo kulmay caqabad aad u weyn yaraantiisii. Waxa uu dhaawac halis ahi kasoo gaadhay wajiga isagoo ciyaaraya kubbadda baaskitka. Goor uu ku jirey garoonkii lagu ciyaarayay ayaa waxa si kadis ah wajiga ugaga dhacday kubbaddii lagu ciyaarayay. Waqtigaas qoraagu waxa uu dhiganayay dugsiga sare. Dhaawaciisu waxa uu noqday mid aad u daran, waxaana loo diray dhaqtar ka baxsan meeshii uu ku noolaa si qaliin xagga wajiga ah loogu sameeyo, ilaa markii dambe uu koomo galayba. Ugu dambayn, markii uu ka soo kacay dhaawacaas, ishiisa bidix dhaawac weyn ayaa soo gaadhay, sankuna wuu jabnaa, dhaawacyo kalena wajigiisa way soo gaadheen.

Markuu gurigiisii kusoo noqday, waxa loo geyn jirey dhaqtarka ku takhasusay xanuunnada jidhka oo loo yaqaan “Physical Therapy”. Sideed bilood kadib dhaawaciisii, waxa uu awood u yeeshay inuu gaadhi wado, sanad dhana wuu ka maqnaa garoomada, sanad kadibna ayuu kusoo laabtay ciyaarista kubbadda baaskitka. Si kastaba ha ahaatee, inuu ciyaarista kubbadda baaskitka kusoo noqdo waxay ahayd mid ku adag isaga, dhaawaca soo gaadhay awgeed. Xitaa waxa la sheegay in markii uu dib ugu soo laabtay kooxdiisii uusan si caadi ah u ciyaari kareyn oo way ku adkayd. ugu dambeyntii, waxa laga saaray kooxdii uu u ciyaari jirey, taasoo murugo ku sii abuurtay James.

Waqtigaas kadib, James waxa uu go’aansaday in la joogo xilligii uu noloshiisa wax ka beddeli lahaa si ay ciyaartiisu u wanaagsanaato.

Waqtigu waxa uu u hagaagay markii uu jaamacadda bilaabay laba sano kadib shilkiisii. Waxa uu jaamacadda ka bilaabay Denison University. James intii uu jaamacadda dhiganayay waxa uu bilaabay inuu yeesho caadooyin wanaagsan kuwaasoo ka caawiyay inuu dib u helo kalsoonidiisii. Hawlkarnimadiisii iyo dadaalkiisii waa uu ka miro dhaliyay, waxuuna soo hooyay guulo waxbarasho iyo kuwo ciyaareed labadaba. Markii uu jaamacadda ka qalin jabiyayna, waxa uu helay billad-sharafeedkii ugu sarreeysey ee jaamacaddiisu bixisay.

Inkasta oo James uusan noqon ciyaaryahan caan ah, hadana wuxuu ku faani jiray wixii u hirgalay kadib dhaawiciisii. Waxa uu bartay in isbeddellada yaryari ay keeni karaan natiijooyin cajiib ah marka ay isu beddelaan caadooyin. Hagaajinta caadooyinkiisu waxay u horseedeen inuu ku noolaado nolol tayo leh.

Socdaalkiisii dhaawaca kadib iyo ka miro dhalinta himilooyinkiisu waxay ahaayeen geedi socod joogto ah oo uu ku bilaabay tallaabooyin yar yar.

Bishii Nofembar 2012-kii, James wuxuu go’aansaday inuu dadka la wadaago waayo-aragnimadiisa isagoo qorayay maqaallo uu qadka soo gelin jirey. Isniin iyo Jimce walba waxa uu qadka soo gelin jirey maqaal cusub oo uu dadka wax ugu sheegayo. Muddo sanad gudaheedana, waxa uu helay in ka badan soddon kun oo macaamiil email ah. Wargeyskiisu si xawli ah ayuu u korayay, isaga oo noqday mid ka mid ah wargeysyada internetka ee sida aadka ah u kobcayay.

Sannadkii 2015-kii, shirkadda caanka ah ee daabacaadda ee loo yaqaan “Penguin Random House” ayaa James ka codsatay inuu qoro buuggan Atomic Habits, maadaama uu noqday khabiir ku takhasusay caadooyinka. James sidoo kale waxa uu noqday isha laga helo talooyinka ku saabsan hagaajinta dhaqanka iyo caadooyinka. Wargeysyo iyo madbacado waaweyn sida Entrepreneur, Forbes, iyo New York Times ayaa soo bandhigay maqaaladiisa.

Sannadkii 2017-kii, James wuxuu furtay HABIT ACADEMY, oo ah madal ay wax ka bartaan dadka doonaya inay dhisaan caadooyinka wanaagsan.

Sannadkii 2018-kii, markii uu sii dhammaynayay qorista buuggan Atomic Habits, wargeyskiisu waxa uu haystay ku dhawaad nus milyan macaamiil ah. Buuggan gebi ahaantiisaba waxa uu qoraagu kaga hadlayaa sidii uu qofku ku samaysan lahaa caadooyin wax tar leh. Waa hage dhamaystiran oo aad ku abuuri karto caadooyin waara, qofkastana anfacaya.