Cutubka 6aad: Shaqsiyadaadu saamayn ayay ku leedahay caadooyinkaaga.
Cutubka 6aad: Shaqsiyadaadu saamayn ayay ku leedahay caadooyinkaaga.
Shan qaybood oo waaweyn ayaa loo kala saaraa dabeecadaha iyo shaqsiyada dadka:
Openness (Furanida maskaxda):
Qofka shaqsiyadan leh waa qof badanka xiiseeya inuu wax cusub barto ama waxyaabo cusub qabto. Waa qof doonis badan oo marwalba wax raadiya, ku raaxaysta hal-abuurnimada, sidoo kale waa qof jecel farshaxanka iyo inuu wax cusub sameeyo.
Conscientiousness (Mas’uuliyadda iyo nidaamka):
Qofkani waa qof wixiisu marwalba habeysan yihiin, waa qof masuul ah oo xil iska saara waxa uu qabanayo, waa qof karti badan oo hawlkar ah. Dadka shaqsiyadan leh waa dad ku fiican qorsheynta iyo diyaarinta hawsha, marwalbana waxa laga rabo un awooda saara, ma aha kuwo meeraysta.
Extraversion (Bulshaawiga):
Dadka noocan ah waa bulshaawiyiin oo mar walba jecel inay dadka dhex galaan, tamar badan iyo firfircoonaan leh, waxay ku raaxaystaan dhaxgalka dadka oo xiiso badan ayuu u sameeyaa.
Introversion (Kali ahaanshaha): Dadka shaqsiyadan leh waa kuwo ka soo horjeeda extrovert-ka, waxay jecel yihiin inay kaligood wax qabtaan, ka helaan cidlada iyo deganaanshaha. Haddii ay la galaan bulshada, diiqad iyo deganaansho la’aan ayay dareemaan, oo wax badan kama soo baxaan.
Agreeableness (Naxariis iyo wada shaqayn):
Dadkani waa dad naxariis badan, wada shaqayn iyo dareenba leh. Waxay qiimeeyaan wada noolaanshaha iyo wanaaga dadka kala dhaxeeya, si wanaagsan ayay ula socdaan dadka kale oo cidna isma diidaan.
Neuroticism (Dareen xasaasi ah):
Dadka shaqsiyadan leh waa dad dareen ahaan aad u nugul, waxyaabaha yar-yar ayaa saameeya, aad bay u walwal badan yihiin, marwalba niyadoodu way isbadeshaa.
Low Neuroticism (Dareen degan): Dadkani waa kuwo caksiga hore leh, dareen ahaan degan, maaha kuwo niyadkoodu si fudud isu beddelo, walwalkooduna kuma badna.
Faa’iidada fahamka shaqsiyadaada:
Waxaad ogaataa nooca shaqsiyadaadu tahay ayaa aad kuu saameyn doonta, qaar ka mid ah caadooyinka ayaa ku fududaan doontaa inaad samayso, halka kuwa kale ay kugu adkaan doonaan.
Tusaale ahaan, haddii aad tahay qof degan, wax akhriska iyo wax qoristuba wey kuu fududaan doonaan; halka haddii aad tahay qof bulshaawi ah oo jecel inuu dadka dhex galo, wax akhrisku wuu kugu adkaan doonaa.
Qoraagu wuxuu inoo soo jeedinayaa in aad awooda saarto caadooyinka ku habboon shaqsiyadaada si ay kuugu fududaato samayntoodu.
Tusaale ahaan, haddii aad tahay qof hal-abuur leh oo jecel inuu wax cusub barto, waxaad akhridaa buugaagta aad wax cusub ka baran karto halkii aad ka akhrin lahayd kuwo aad ku caajisayso.
“Fahan shaqsiyadaada iyo nooca aad tahay, kadibna dhis caado kusoo baxaysa ama ku haboon shaqsiyadaada.”
Baadh caadooyinka qaar, kadibna ka faa’iideyso
Baadhitaan gal oo isku day caadooyin kala duwan, kadibna ogow midka kugu soo baxaya ama aad si wanaagsan u qaban karto.
Tusaale ahaan, haddii aadan jeclayn orodka, isku day inaad buuraha fuusho ama buuraha korto, ama jimicsi kale samayso oo aad si fudud u qaban karto.
Kadib marka aad heshid caado kugu soo baxaysa oo aad ku raaxaysanayso sameynteeda, waa inaad caadadaa ku dheganaataa oo aanad joojin samaynteeda.
Waa hab aad ku samaynayso caado waarta oo kugu hagta meeshii aad rabtay iyo hamiyadaadii.
Haddii caado kuu shaqayn waydo, hadana ku noqo habkii hore ee ahaa inaad mid kale baadho. Naftaada waydii su’aalahan:
“Markaad caadadan samaysid, ma natiijo ka badan dadka kale ayaad helaysaa oo waad samayn kartaa mise way kugu adag tahay?”
“Miyaad ku raaxaysataa markaad samaynayso caadadan?”
Haday jawaabtadu haa tahay, waxaad ku taagan-tahay jidkii saxda ahaa, halkaa kasii wad oo ku dhegnaw caadadaas. Laakiin haday jawaabtu maya tahay, isku day oo caado kale baadh ilaa aad ka hesho mid ku anfacaya, kuguna haboon.
“Tijaabi caadooyin kala duwan, ilaa aad ka hesho mid kugu haboon ama kuu shaqayn doonta.”
Haddii aadan midna ku fiicnayn, adigu mid kuu gaar ah samayso
Qof walba wuxuu leeyahay hibo u gaar ah iyo waxyaabo uu ku fiican-yahay. Uma baahnid inaad wax gaar ah ku fiicnaato ama aad xariif ku noqoto meel gaar ah.
Laakiin xirfadahaaga iyo hibooyinkaaga ayaad isku gayn kartaa, waxaadna ka soo saari kartaa ama samaysan kartaa wax kuu gaar ah.
Tusaale ahaan, Dilbert ma ahayn fannaan weyn ama majaajiliiste markii hore, laakiin markii danbe wuxuu isku daray inuu wax sawiro, inuu dadka ka qosliyo (majaajiliiste), iyo inuu kobciyo aqoontiisii ganacsiga si uu u noqdo mid gaar ah oo ka duwan dadka kale.
Ugu danbeyn wuxuu noqday nin ganacsade ah, dadka ka qosliya, sidoo kale aqoon u leh wax sawirida.
Awooda saar waxyaabaha aad sida dabiiciga ah hibada ugu leedahay, kuna fiican-tahay, kadibna wax gooni ah ka soo saar. Waxaad ogaataa way fududahay inaad guul ka gaadho wax aad ku fiican-tahay ama aad hore usii taqaanayba.
Isku day oo baadh waxyaabo kala duwan ilaa aad ka hesho mid kugu haboon, waxaad heli doontaa faa’iido aanay dadka kale haysan, waayo waxa aad qabanayso waa wax kugu haboon oo aad si wanaagsan u qaban karto.
Qabo hawlaha ama waxyaabaha ad-adag ee la maarayn karo
Qabo hawlaha adag ee kaa dhigaya inaad hore usii socoto, maaha hawlaha aan la qaban karin ama ay adag tahay in la maareeyo.
Arrintan waxa loo yaqaan “Goldilocks Zone” : waa samaynta hawl aan sidaa u fududayn, aadna u adkayn, laakin kugu haboon oo aad qaban karto.
Haddii hawshu ay aad u fududahay, waxa laga yaabaa inaad ka caajisto samaynteeda.
Sidoo kale, hadii hawshu aad u adag tahay, waxa laga yaabaa inaad khalkhal gasho oo ku dhiiran waydo.
Laakin hawlaha aad qaban karto oo aad awoodid ayaa ah kuwo loo baahan yahay inaad qabato, waayo waxay kugu dhiirigelinayaan inaad wax qabato oo hore usii socoto.
Tusaale ahaan, haddii aad kubadda cagta la ciyaarayso qof aad isku heer tihiin ama isku xirfad tihiin, waxaad dareemi doontaa xiiso iyo madadaalo, oo waad sii ciyaari kartaa.
Haddii aad ilmo yar oo ciyaal ah la ciyaarayso, waxa laga yaabaa inaad ka caajisto oo aadan sii wadi karin ciyaarta. Dhanka kale, haddii aad ciyaartooy weyn la ciyaarayso, sida Ronaldo, waxa laga yaabaa inaad ku dhici waydo oo faraha ka qaaddid ciyaarta, waayo way adag tahay inaad la ciyaarto qof kaa sareeya.
Markaad shaqada joogtid ama wax baranaysid, awooda saar caqabadaha yar-yar ee kaa dhigaya inaad wax qabato, balse aan kugu dareensiinayn walwal ama inaad qaban karinba.
Inaad wax qabashada ka caajisto waa iska caadi
Quraafaadka ay dadka badankiisu aaminsan yihiin waxa ka mid ah inay u maleeyaan in dadka guulaha gaadhay ay yihiin dad marwalba firfircoon oo aan caajis dareemin, oo marwalba shaqeeya.
Laakin xaqiiqdu waxay tahay, dadka guulaha gaadhay waa dad aan joojin shaqada, xitaa haddii ay caajis dareemayaan ama aysan hawsha farxad ku dareemeyn. Waa dad shaqada joogteeya oo maalin walba wax qabta.
Dhawr sababood ayaa qofka ka dhigaya inuu shaqada ama hawsha caajis ku dareemo:
Markaad wax gaar ah un kusoo celceliso maalin walba ama marwalba, hawsha aad qabanaysaa waxay noqon doontaa mid caajis ah oo aan raaxo ku siinayn.
Bini-aadam ahaan, waxaynu badankeen jecel nahay ama doonaynaa inaan isku dayno waxyaabo cusub oo aan waayo-aragnimo kuwii hore ka duwan helno. Haddii aan wixii hore un kusoo noqnoqono oo aan horumar samayn wayno, waxa imanaysa inaan hawsha dhibsano ama ka caajisno.
Si aanad caajis ugu dareemin waxyaabaha aad qabanayso, waa inaad hawsha ka dhigtaa mid xiiso leh. Hada maaha inaad hawl adag ama wax culus isku qaado, laakin hawsha ka dhig mid aad xiiso ku dareento markaad qabato.
Sidoo kale, waa inaad aqbashaa oo niyada u dhaadhicisaa in dareenka caajisku uu caadi yahay. Dadku mararka qaar hawsha ka caajisaan, laakin waa inaad hawsha sii waddaa, xitaa haddii aad caajis dareemayso. Muhiimadu waa inaad gaadho hadafkaaga, maaha inaad is dhiibto.
Caadooyinku waxay kuu horseedayaan raalinimo iyo qanaaco
Markaad caado la qabsato, way fududahay inaad joojiso, waayo waxay u muuqan donta wax yar oo aad si sahlan u samayn karto. Laakiin marka aad caadada heerka kowaad gaadho, waa inaadan halkaa ku joogin; waa inaad hore usii socotaa oo naftaada ku qasabtaa heerarka kale ee ka sii sareeya.
Markay caadadu noqoto qayb kaa mid ah oo aad la qabsato, waa inaad hore usii socotaa oo horumar intaa ka badan samaysaa.
Dib isku eeg oo la soco horumarkaaga
Markaad marwalba la socoto horumarka aad samaynayso, waxay kaa caawinaysaa inaad aragto meeshii aad ka timi iyo halka aad u socoto ee aad hiigsanayso.
Qorshee oo samee waqti gaar ah oo aad dib isku eegto, naftaadana waydii su’aalahan:
Maxaan xaqiijiyay ama halkee baan gaadhay?
Maxaa ii hagaagay?
Maxaa u baahan inaan hagaajiyo?
Qoraagu isagu laftiisa ayaa sidan samayn jirey isagoo dib u eegaya inta maqaal ee uu daabacay iyo meelaha cusub ee uu booqday, iwm.
Sidoo kale, naftaada meel kaliya ha ku xidhnin oo meel un ha tagnaan. Tusaale ahaan, hadaad shirkad maamule ka tahay, waa inaad hiigsataa meel ka saraysa halkaa, maaha inaad naftaada hal meel ku xidhid.
Naftaada qeex oo garo meesha aad u socoto iyo waxyaabaha aad xaqiijisay; tani waxay kaa dhigi doontaa inaad la qabsato isbeddelada iman kara iyo waxyaabaha cusub.