Cutubka 6aad: ka dhig caadooyinka kuwo aad raaxo ama degenaan ku dareemtid.
Cutubka 6aad: ka dhig caadooyinka kuwo aad raaxo ama degenaan ku dareemtid.
Casharka 1aad: Raaxo ama natiijo degdeg ah ayaan rabnaa
Haddii marka aynu ficil samayno kaasoo aan isla markaaba ka helayno raaxo iyo natiijo degdeg ah, ficilkaa ama hawshaa waan ku celcelin doonnaa.
Haddii aad isla markaaba natiijo ka helaysid, waxaas aad baad u qabanaysaa, marar kaloo badana waxaas waad qaban doontaa oo waad ku dhiiran doontaa, waayo waa dabeecad dabiici ah oo aynu bini-aadam ahaan leenahay. Waxaynu marwalba dooneynaa in aan raaxada iyo wanaaga si dhib yar ku helno.
Bini-aadam ahaan, waxaynu lasoo qabsaney in aan si degdeg ah natiijo ku helno ama abaalmarin. Tusaale ahaan:
Haddii aad gaajoonaysid, isla marka aad wax cuntid gaajadu way kaa ba’aysaa.
Haddii aad dhaxmoonaysid, isla marka aad guri ama hoy heshid dhaxantu way kaa ba’aysaa.
Waa caado aan lasoo qabsan bini-aadam ahaan.
Hadaba, dhibtu waxay ka taagan tahay, waqtigan la joogo wax walba way isbedeleen; caadooyin badan oo wanaagsan ayaa waqti qaata oo markaaba natiijo ma helno.
Tusaale ahaan, hadaad maanta jimicsiga bilawdid, isla maanta jidhkagu isma dhimayo ama isma badelayo.
Farqiga u dhaxeeya caadooyinka xun-xun iyo kuwa wanaagsan waxa weeyaan: marka aad caado xun samaysid, isla markaaba dareen wanaagsan ayaad dareemaysaa, tusaale ahaan sigaarka oo kale ama jaadka.
Laakin caadooyinka wanaagsani waxay qaataan waqti, oo natiijadoodu way soo daahdaa. Taana waa inaad ogaataa; ha is odhan “Maxaan natiijo degdeg ah u heli waayay?”.
Casharka 2aad: Ka dhig caadooyinka wanaagsan inaad ka heshid abaal-marin ama natiijo degdeg ah
Dhibaatada jirta waxa weeyaan, caadooyinka wanaagsani badankood abaal-marin iyo natiijo degdeg ah malaha oo waqti ayay qaataan.
Hadaba si aad dhibtan u xaliso, waa inaad naftaada siisaa abaal-marin degdeg ah markastood samaysid caadadaas wanaagsan.
Tani waxay kaa dhigaysaa inaad marar badan ku dhiiratid sameynta caadadaas, waayo marwalbood samaysid waxaad helaysaa abaal-marin.
Tusaale ahaan: markastood wax akhrido, soo iibso buskut aad jeceshay, abaal-marin ahaan naftaada usii shaqada ay qabatay awgeed.
Laakin ogsoonow inaad si taxadar leh u dooratid nooca abaal-marinta ah eed naftaada siinayso markay hawl qabato. Tusaale ahaan, markaad jimicsato, hadaad jalaato soo iibsato waa khalad. Sidaas darteed, si taxadar leh u dooro abaal-marinta aad naftaada siinayso si ay qabashada hawshaasi kuugu fududaato.
“Si aad u samaysid caado wanaagsan oo waarta, naftaada sii abaal-marino yar-yar marwalbooy samayso caadadaas. Sidani waxay kaa dhigaysaa inaad kalsooni iyo dhiirigelin kasii heshid oo marar kalena ku dhiiratid.”
Casharka 3aad: Horumarka aad samayso la soco muqaal ahaan.
Markaad hadaf iyo meel aad u socotid yeelatid, mararka qaar way kugu adkaan kartaa inaad ogaato inta aad u jirtid hadafkaagii iyo heerarkii aad soo martay ama meeshii aad ka timid.
Hadaba si aad ula socoto horumarka aad samaynaysid, qoraagu wuxuu inoo soo jeediyay hab la yidhaah “The Paper Clip Strategy”.
Habkan waa adoo soo qaadanaya buug, kadibna kolba xaashi kamida buuga ku qoraya horumarka aad samaysay, hadana xaashida kale usii gudbiya oo markale ku qoraya markaad horumar kale samaysid.
Habkan wuxuu kaa caawinayaa inaad dib ugu laaban karto oo aad ogaan karto wixii aad soo samaysay iyo wadadii aad soo qaaday.
Sidoo kale, waxaad isticmaali kartaa barnaamijyada moobilka laga helo ee loo yaqaan “habit tracker”. Play Store-ka moobilka ku qor “habit tracker application” kadibna ka dooro mid ku anfacaya, kuna dabaq hamigaaga iyo meesha aad rabto inaad gaadho. Barnaamijyadani waxay kaa caawinayaan inaad la socoto horumarkaaga.
Casharka 4aad: Aduunka wax dhamaystiran ma jiraan. Ha raadin dhamaystirnaan
Sidaad doontid hadaad wax u qorshaysid, sidaad doonto hadaad ula socoto horumarkaaga, waxa hubaal ah in mararka qaar ay wax u socon waayaan sidii aad rabtay, ama ay wax kaa qaldamaan. Waana wax iska caadi ah—aduunkan wax dhamaystirani ma jiraan, qof walbana qalad buu galaa mararka qaar.
Marka ay wax noqon waayaan sidaad wax ku wadey, waa in aadan is dhiibin ood dib isku soo kabtaa, horumarkana aad sii wadaa.
Tusaale ahaan, hadii aad rabtay inaad is-dhuubato ama baruurta iska dhinto, kadibna aad qorshe dhigato (inaad maalin walba jimicsi samayn doontid), hadii ay maalin ku seegto oo aadan jimicsi samayn, maaha inaad ka xumaato ama aad is dhiibto. Waa inaad samaysaa wax aad kusoo kabto maalinta ku dhaaftay.
Muhimadu waa inaadan is dhiibin ood hore usii socotaa, hadii ay wax qaldamaan. Aduunka, dadka horumarka badan gaadhay maaha dad ay joojiyaan waxyaabaha yaryar ee ka qaldama; waa dad xaliya waxa qaldamay, horena way usii socdaan ilaa ay gaadhaan hadafkoodii iyo meeshii ay rabeen.
“Inaad wax un qabato ayaa ka fiican wax qabasho la’aanta iyo iska fadhiga ama niyad jabka.”
Casharka 5aad: Ka dhig caadooyinka xun-xun kuwo ay adag tahay inaad ku noqotid.
Markaad caadooyinkii xumaa dib u samaysid, waa inaad sameysaa ficil ku xanuujiya oo ka hortaga inaad mar labaad samaysid.
Haddii shay ama wax si dhaqso ah kuu xanuujiyo ama uu dhib kuu keenayo isla marka aad samaysid, waxa hubaal ah inaad ka dheeraan doontid samayntiisa iyo qabashadiisaba.
Tusaale ahaan, saaxibkaa ayaad heshiis la geli kartaa adigoo ku odhanaya: “hadii aan seego ama ka tago inaan sameeyo caadada wanaagsan, waa inaad lacag iga qaadaa si aan uga dheeraado inaan mar kale seego”.
Haddaba, habkan sidee buu u shaqeeyaa? Waxuu u shaqeysaa sidan: adiga iyo saaxibkaa ayaa balan ku galaya inaad isku mar bilawdaan caado wanaagsan. Hadii mid idinka mid ahi uu seego ama samayn waayo caadadaas, waa in lagu xukumo inuu sameeyo wax xun ama lacag laga qaado.
Habkan waa mid waxtar leh, sababtoo ah dadka way ku adag tahay inay balanta ay dadka kale ka qaadeen ka baxaan, marka loo eego balanta ay naftooda ka qaadeen.
Tusaale ahaan, haddii aad naftaada balan ka qaadato, waxaa laga yaabaa inaad ka baxdo ood marmarsiyo keento; laakiin haddii aad qof kale balan la gashid, waxay u badan tahay inaadan ka baxeyn balantaas oo aad oofin doontid. Taasi waa sababta uu habkani u waxtar leeyahay.