Cutubka 5aad: Ka dhig mid soo jiidasho leh.

Cutubka 5aad: Ka dhig mid soo jiidasho leh.

Casharka 1aad: Caado saameynta iyo hormoonka “dopamine” way isku xidhan yihiin.

“Dopamine” waa hormoon kiimiko kaasoo ay maskaxdu soo dayso. Hormoonkani waxa uu inaga dhigaa inaan dareenno wanaag iyo farxad — waa habka ay maskaxdu inagu abaalmariso markaan wax samayno ama caado wanaagsan yeelanno.
Tusaale ahaan, markaad cuntid cunto aad jeceshahay, marka lagu amaano, ama markaad gaadho hadafyadaadii, maskaxdaadu waxay soo daysaa hormoonkan “dopamine” loo yaqaan kaas oo kaa dhigaya inaad farxad iyo xiiso dareento.

Hormoonkan dopamine waxa uu saamayn weyn ku leeyahay doonisteenna, waxyaabaha ina dhiirrigeliya, qaabka aan wax u baranno, iyo xitaa dhaqdhaqaaqeena. Waa qayb muhiim ah oo maskaxdeena ka mid ah.

Maskaxdu ma soo dayso hormoonkan dopamine marka aad abaalmarinta heshid oo kaliya — waxa kale oo lasoo daayaa marka aad filayso inaad abaalmarin heli doonto.

Filashadaas ah inaad abaalmarin heli doontoo ayaa kugu qasbeysa inaad ficil samayso si aad u hesho abaalmarintaas. Tusaale ahaan, markaad baraha bulshada sawir soo dhigto ama istatuska, waxaad filaysaa inaad falcelin fiican heli doonto oo dadku ay ka heli doonaan waxa aad soo dhigtay.

Filashadaas ayaa kugu riixaysa inaad marar badan wax soo dhigto.

Sidoo kale, marka aad balwad samayso, sida inaad qaad cuntid ama imaad sigaar cabtid, waxaad filaysaa inaad abaalmarin ka heli doontid balwadaas, waana waxa marwalba kugu qasba inaad marar kaloo badan sameysid balwadaas.

Filashada aad fileyso abaalmarinta ayaa kugu sababta inaad ficil samayso ama caado. Kadib marka aad heshid abaalmarintaas oo maskaxdu soo dayso hormoonka dopamine ee farxadda iyo xiisaha keena, waxaad sii rabi doontaa inaad mar kalena hesho farxadii iyo wanaagii.

Markasta oo aad abaalmarin heshid, waxaad sii rabtaa mid kale — waana sida caadooyinka u samaysmaan. Maskaxdaadu way la qabsataa in mar walba oo aad ficil samayso ay ku abaalmariso, adiguna mar walba waad doonaysaa abaalmarintaas.

Casharka 2aad: Isku xidhida caadooyinka — si ay caadadu kuugu noqoto mid soo jiidasho leh.

Isku xidh caado ama wax aadan jeclayn inaad samayso iyo caado aad ku raaxaysato samaynteeda.
Tusaale ahaan, haddii aad jeceshahay inaad filimaan daawato laakiin aad ka meermeerto inaad jimicsato, waxaad samayn kartaa inaad filimka daawatid adigoo jimicsi samaynaya.

Markaad sidan samayso, waxaad isku xidhaysaa laba caado, waxaana kuu fududaan doonta inaad dhisto ama samayso caadadii aad hore uga diidnayd ama necbayd.

Markaad dhisaysid caado wanaagsan, ka dhig mid xiiso leh adigoo ku xidhaya oo la samaynaya caado kale oo aad jeceshahay ama aad ku raaxaysatid. Qaacidadan fudud isticmaal si aad marwalba u xasuusnaato:

“Kadib markaan sameeyo caadada aan hadda sameeyo, waxaan samayn doonaa caadada aan u baahanahay.” “Kadib waxaan qaban doonaa caadada aan rabo.”

Tusaale ahaan: Aroortii marka aan shirka kasoo baxo, kadib waxaan samayn doonaa jimicsi. Kadib jimicsiga, waxaan yara daawan doonaa TikTok.

Maskaxdaadu waxay filan doontaa abaalmarinta ay helayso markaad TikTok daawatid, kadib samaynta jimicsigu kuma dhibi doono — waxayna kuu noqon doontaa wax aad si dabiici ah u samayso si aad u heshid abaalmarinta ka dambeysa.

Casharka 3aad: Dhaqanka iyo bulshadu waxay qaabeeyaan caadooyinka.

Bini’aadam ahaan, waxaa si dabiici ah inoogu abuuran doonis ah inaynu rabno inaan bulshada ku dhex jirno iyo inaan koox gaar ah ku tiirsanaano oon wax la qabsanno iyaga. Sidaa darteed, waxaynu samaynaa ficillada iyo caadooyinka ay sameeyaan bulshada aan ka tirsanahay.

Tan macnaheedu waxa weeye, kooxdaa aynu ka tirsanahay ama bulshada aan ka tirsanahay waxay sameeyaan ayaan inaguna samaynaa si aynaan dadka uga dhex bixin. Una dareeno inaan meel gaar ku tiirsanahay.

Waa wax dabiici ah oo kama maaranno inaan dadka la macaamilno, waxaynaan samaynaa wax walba oo ay iyagu sameeyaan, dadkaa aan ku dhex jirnaa.

Geesta kale, dhaqanka ay leedahay bulshada aad kasoo jeeddo, hadduu dhaqankaasi taageerayo in la sameeyo caadooyin xun-xun ama kuwo wanaagsanba, adigu waxaad tahay kii raaca ee sameeya waxay dadkaasi sameeyaan — waana wax si dabiici ah u dhaca.

Haddaba, haddii aad rabto inaad caado cusub dhisto, waa inaad tagtaa meel caadadaa laga ciseeyo ama aad ku biirtaa koox ay caadadaasi dhaqan u tahay.
Tusaale ahaan, haddii aad rabto inaad si maalinle ah u oroddo, waxaad la saaxiibi kartaa oo aad ku biiri kartaa koox orodyahanno ah kuwaas oo maalin walba orda — orodkuna uu caado u yahay.

Waa maxay sababta ku biiritaanka iyo ku tiirsanaanta bulsho gaar ahi muhiim ugu tahay bini’aadamka? Sababtu waa mid iska cad — marka aad koox gaar ah ka tirsan tahay, waxaad dareemaysaa inaad meel kasoo jeeddo oonad cidlo ahayn.

geesta kale, way adag tahay inaad isbeddel samayso haddii saaxiibbadaa iyo dadka kugu xeerani ay kaa soo horjeedaan ama ay sameeyaan wax cagsi ku ah waxaad rabto.

“Muhiimadu waa: Inaad ku biirto dad ay caadooyinka wanaagsani agtooda qiimo ku leeyihiin”

Casharka 4aad: Damaca : Baahiyaha Aasaasiga ah ee Bini’aadamka

Waxaad isku malaynaysaa inaad u baahan tahay inaad cuntid pizza, sababtoo ah way macaan badan-tahay. Laakiin haddii caadi loogu fiirsado sababta saxda eed aad u rabtid inaad cuntid cuntadaa, waxa weeyaan:

horta bini’aadam ahaan waxaa si dabiici ah inoogu abuuran doonista ah inaan badbaadno iyo inaan nolaano. Si aan u badbaadno hadaba, waxa qasab inagu ah inaan wax cuno, waana sababta saxda ah ee aad u rabtid inaad cuntadaas cuntid.

Sidoo kale, haddii aad rabtid inaad ciyaarto ciyaaraha geemiska ah ee shaashadaha lagu ciyaaro, sababta aad u rabtaa waxa laga yaabaa inay tahay: waxaad rabtaa inaad saaxiibo samaysato ama aad guul si sahlan u gaadho kadibna lagu aamino marka aad geemka ku guulaysato.

Waxan oo dhani waa baahiyo aasaasi ah oo aad buuxinayso adigoon ka fekerayn, si dabiici ah unbaad u qabaneysaa.

Ujeeddada casharkan waa:
Waxaad ogaan doontaa in wax walba oo aad qabato ama samayso, sababta aad u qabato ay tahay inaad dhamaystirto oo aad heshid mid kamida baahiyahaaga aasaasiga ah. Waxa ka mid ah baahiyahaas:

  1. Inaad badbaado oo aad ammaan heshid.

  2. In lagu jeclaado iyo inaad dad ku tiirsan tahay ood meel kaso jeedo.

  3. Inaad dareento inaad tahay qof muhiim ah, ooy dadku kula dhacaan.

    Haddaba, samayso oo dhis caadooyin kaa caawinaya dhamaystirka baahiyahaaga aasaasiga ah. Tusaale ahaan, waxaad rabtaa inaad oroddo — koox maalin kasta orodda ku biir.
    Jimicsi + Saaxiibo = waa Guul weyn.

    Markaad sidan samayso ee aad koox ku biirto, waxaad fulisay mid ka mid ah baahiyahaagii aasaasiga ahaa, oo ah ku-tiirsanaanta dadka kale ama inaad meel ka soo jeeddo oo aad bulsho ku dhex jirto.

Casharka 5aad: Beddel Kalmadahaaga, waxaad beddeli doontaa Maskaxdaada

Qoraaga buuggu waxa uu inoo soo jeedinayaa in haddii aad rabto inaad maskaxdaada isbeddel waara ku samayso, waa inaad beddeshaa kalmadaha iyo hadalka aad naftaada kula hadasho.

Kalmadaha uu qoraagu inoo soo jeedinayo waxa ka mid ah: inaad tidhaahdo “waan samaynayaa waxa” halkii aad ka odhan lahayd “waa qasab inaan waxaas sameeyo.”

Tusaale ahaan, halkii aad ka odhan lahayd “waa qasab inaan ordo,” taa badalkeed waxaad dhahdaa “waan ordayaa” ama “waan samaynayaa orodka.”

Ujeeddadu waxay tahay: inaad waxyaabaha kugu adag inaad qabato aad uga fekerto si wanaagsan oo togan, halkii aad uga fekeri lahayd si taban ama aad wax xun uga soo qaadi lahayd. Dhibaatada si togan uga feker , maskaxdaaduna iyadoo xalisay dhibtii ayaad arki doontaa.