xakameynta maskaxda

xakameynta maskaxda

Free
200 pages
40838 MB
By Dr. Micheal C. Melvin Turjumay Sidiiq-Naaleeye
Released Nov 27, 2025
Waxaa si weyn wax looga qoray fahamka maskaxda iyo sidii loo kobcin lahaa
awoodda maskaxda si guulo waaweyn loo gaadho. Dhammaanteen waynu
naqaan buugaag badan oo ka hadlaysa: xeerka soo jiidashada, xakameynta
maskaxda, iyo samaynta caadooyin wanaagsan oo sii jira inta noloshaada ka
dhiman. Laakiin in la dabaqo dhaqamadaas si joogto ah aad bay u adag tahay.
Waxaana kasii adag marka lagu jiro caqabadaha casriga ah ee aad mooddo
kuwo si gaar ah loogu qalabeeyay inay daaliyaan maskaxdeenna iyo
jidhkeenna. Qodobbada sidaas oo kale ah ee tamarta maskaxda iyo jidhka
nuuga waxaa ka mid ah: baraha bulshada, internetka, kharashaadka,
xidhiidhada jabay, sunta deegaanka, taleefannada casriga ah, khamriga,
sonkorta, kofayga iwm. Horumarinta maskax xooggan waxay u baahan tahay
tababar joogto ah oo muddo dheer ah. Waxay ubaahantahay joogtayn wax ku
ool ah iyo basar adag, kuwaas oo marar badan la iska indhotiro. Waxaa khalad
ah in la aaminsanaado in sharciga jiidashada1 uu sahlan yahay ama in
meditation-ku uu si degdeg ah u baabi'in karo niyad-jabka. Laakiin haddii aad
si dhab ah kaaga go’an tahay inaad horumariso maskaxdaada si aad si joogto
ah diiradda ugu saarto waxa aad rabto mustaqbalka iyo aayaha fog,
natiijooyinku waxay noqon doonaan kuwo noloshaada beddeli kara. Si taas loo
gaadho, waa inaad barato in aad naftaada ku tiirsanaato. Sida uu sheegay
faylasuufka Hindiya ee Krishnamurti-“Aragti ku salleysan khibrad qof kale marka
ay timaado arrimaha nafsadda ama nolosha gudaha ma laha wax macne ah gabi
ahaanba... Waa inaan si buuxda uga tagnaa sababtoo ah waa inaan keligeen
istaagnaa.
akhri hadda

Reader Reviews

No reviews yet. Be the first to review!