Sheekadaan soo socota ee la magac baxday Dalxiiskii xeebaha waa
sheeko faneed aan doonayo in aan uga hadlo wanaag falidda iyo faa'iidada uu
leeyahay, waxaa ku dhex dammashaadaaya nin la yiraahdo Duuri oo diyaar u ah
in uu magaalo kasta safar gaaban ku tago isaga oo meelkasta wanaag uga taganaya
iskana ilaalinayo in uu xumaato meel uun ka abuurto, marar dhawr ah ayuu ku
badbaadayaa wanaag uu sameeyay. Waa sheeko aan ugu talagalay in ay hagto
dalxiise yaasha jecel in ay magaaladooda ka tagaan oo ay mid kale aaddaan,
waxaa ay qofka tusaysaa waxyaabaha mudan in la sameeyo iyo kuwa aanay
fiicnayn in la falo inta dalxiiska lagu guda jiro. Waa sheeko ku dareensiin doonta
dalxiiska iyo qiimahiisa, waxyaabaha ay la kulmaan dalxiise yaasha iyo sida ay
mararka qaar adiga oo dalxiise ah aad ugu baahan karto in aad iska caabbin
samayso.