Self-Improvement

dhibaatada ay balwadu leedahay ( daawashada filimada anshaxa xun)

5 daqiiqo 11 daawasho
La wadaag:
dhibaatada ay balwadu leedahay ( daawashada filimada anshaxa xun)
Farta:
Nooca:
Muuqaalka:

wiilkan waxa la dhahaa cumar oo isagu gartay inuu sheekadiisa inala wadaago.

Cumar muddo dheer wuxuu isku qancin jiray inuu caadadan iska deyn karo maalinta uu doono. Haddii la weydiin lahaa wuxuu odhan lahaa, "Arrintani wax weyn maaha, saacaddaan rabo ayaan iska joojin karaa." Xitaa isaga qudhiisu beentaas iska dhaadhiciyay. Wuxuu moodayay inuu isagu shookaanta hayo, oo aanay jirin awood isaga ka xoog badani.

Laakiin xaqiiqada dhabta ah ee uu ka ordayay waxay ahayd in arrintu si tartiib-tartiib ah isugu beddeshay silsilad dheer oo ku xidhan.

Bilowgii, waxay ahayd uun wax uu mararka qaar un isku maaweeliyo; marka uu caajiso, marka uu stress dareemo, ama habeenada uu cidlada dareemo. Wuxuu u arkayay uun madadaalo yar oo aan dhib lahayn.

Laakiin maalmihii baa toddobaadyo noqday, toddobaadyadiina bilo ayey isku badaleen. Cumar muu dareemin xitaa goortay caadadani xididdada siibatay ee ay dhiiggiisa raacday.

Maalin ayuu is arkay isaga oo fadhiya sariirtiisa, telefoonkiisuna gacanta ugu jiro. Wuxuu furay boggii uu caadada u lahaa ee uu filimada xun ka daawan jirey. Markii uu arkay waxa shaashadda ka muuqda ayuu si lama filaan ah isu waydiiyay: “Goormaan meeshan furay?” .  

Waxay ahayd markii ugu horraysay ee uu xaqiiqsado in jidhkiisu mararka qaar dhaqaaqayo ka hor intaan maskaxdiisu wax go'aan ah gaadhin. isla Daqiiqadaas argagax ayaa galay. Waayo markuu qofku  wax iska sameeyo isagoon miyirkiisa la kaashan, wuxuu garwaaqsadaa in dhibku uu ka weyn yahay intii uu malaynayay.

Cumar muddo dheer wuxuu u haystay inuu raaxo raadinayo. Lakin markuu si daacad ah muraayadda isugu eegay, wuxuu ogaaday inaanay arrintu raaxo raadin ahayn, ee ay tahay Baxsad (Escape).

Markuu culays xaga nolosha ah dareemo, wuxuu u baxsan jiray shaashadda iyo bogagaas filimada laga daawado. Markuu niyad-jabo, halkaasuu u carari jiray. Markuu cidloodo ama nolosha ku daalo, meeshaas ayuu gabaad ka dhigan jiray. Wuxuu ka helayay dhowr daqiiqo oo uu ku ilaawo wax kasta oo adduunka ah oo dhibaya.

Laakiin dhibta ugu weyni waxay ahayd; marka aad xaqiiqada ka carartid, way kusii sugaysaa. Markuu shaashadda damiyo, culayskii halkiisii ayuu sii joogay. Kalinimadii iyo niyad-jabkii uu dareemayay way kasii darayeen. Waxa kaliya ee uu arkayay inuu sii baaba'ayo jidh ahan iyo nafsad ahanba.

Sanadihii dambe, wuxuu dareemay isbeddel weyn oo noloshiisa ku yimid. Waxyaabihii farxadd gelin jiray dhadhankii ba ka guurey oo farxadd kamu heli jirin.

Inuu Saaxiibadii  la sheekaysto, inuu waqti qoyskiisa la qaato, ama inuu horumar nolosha ka gaadho dhammaantood waxay la noqdeen wax iska caadi ah oo aan xiiso gelin isaga. Maskaxdiisu waxay la baratay maandooriye iyo kicin xad-dhaaf ah, sidaas darteed noloshii caadiga aheyd waxay la noqotay mid caajis ah oo aad u gaabis ah.

Mararka qaar wuxuu fadhiisan jiray meel dad badani joogaan, laakiin haddana wuxuu dareemi jiray cidlo. Wuxuu la hadli jirey dad badan, hadana muu dareemayn xidhiidh dhab ah oo ka dhaxeeya isaga iyo dadkaa. wuu qosol badnaa , balse qalbigiisa holac baa ka baxayay. 

Waxa ugu xanuunka badnaa waxay ahayd kalsoonidii naftiisa oo daciiftay. Markuu muraayadda hor istaago, ma arki jirin ninkii uu rabay inuu noqdo. Wuxuu lahaa himilooyin, qorshayaal iyo riyooyin waaweyn. Lakin maalin walba wuxuu dareemayay inuu ka fogaanayo ninkii uu rabay inuu noqdo. Hawlihii muhiimka u ahaa dib ayuu u dhigi jiray. Waqtigii uu noloshiisa ku dhisi lahaana wuu gubayay.

Ugu dambayntiina wuxuu ogaaday in dhibaatadu aanay ahayn waxan uu daawanayo oo kaliyee, ee ay tahay waxa uu luminayo. Wuxuu luminayay waqtigiisii, tamartiisii, diiraddiisii, iyo qaybo muhiim ah oo naftiisa kamid ahaa isagoon dareensanayn.

Mar kasta oo uu yidhaahdo " waa markii iigu dambaysay een sameynayo," muddo yar ka dib isla meeshii ayuu hadana ka bilaabi jirey caadadii xumeyd.

Markii hore wuu la yaabin jirtay arrintan iyo sababta uu kolba ugu soo noqnonayo, lakin markii dambe wuu iskala qabsaday. Taasina waxay ahayd qaybtii ugu xanuunka badnayd noloshiisa.

Waayo wuxuu ogaaday in qabatinku (addiction-ku/ balwadu) aanu ahayn uun markaad xakamaynta naftaada weydo. Mararka qaar qabatinku waa markaad ka daasho dagaalka aad naftaada kula jirtid kadibna aad is-dhiibto. Waa Markaad aaminto inaanad isbeddeli karin. Markaad iska dhaadhiciso in kani yahay qofka aad tahay.

Laakiin habeen habeenada ka mid ah, Cumar intuu qolkiisii soo galay ayuu sariirtiisii cidhifka kaga fadhiistay. Aamusnaan dheer kadib, telefoonkii ayuu iska fogeeyay. Qolku wuu deggan yahay. Markii ugu horreysay muddo dheer kadib, muu iskumuu dayin inuu dareenkiisa iyo xanuunkiisa ka baxsado. Wuxuu go'aansaday inuu xaqiiqada iyo runta isu sheego. Xaqiiqadaas oo aan dhagaha u roonayn, laakiin ahayd runta biyo-kama-dhibcaanka ah.

Wuxuu qirtay inuu daalay.
Wuxuu qirtay inuusan faraxsanayn.
Wuxuu qirtay in noloshu socoto isna uu meel iska taagan yahay.
Wuxuu qirtay inuu u ooman yahay isbeddel dhab ah.

Maalintaas mucjiso cirka kama soo dhicin. Subaxdii xigtayna qof cusub muu noqon. Dhibaatadiina hal mar may wada dhammaan. Laakiin wax weyn ayaa isbeddelay. Waayo wuxuu ugu dambayn joojiyay beentii uu naftiisa ku maaweelinayay. Wuxuu bilaabay inuu si daacad ah isu wajaho.

Wuxuu fahmay in bogsashadu aanay ka bilaaban inaad qof kaamila (perfect) noqoto, ama inaad guul degdeg ah gaadho. Waxay ka bilaabataa marka aad runta qiratid. Marka aad tidhaahdid: "Waan dhibbanahay. Waan kufay marar badan. Laakiin wali dagaalka kama bixin."

Sababtoo ah mar kasta oo uu is-xakameeyo oo uu ka hortago damacii iyo xumaantii uu shalay ku dhici jiray, wuxuu dib u soo ceshanayay qayb yar oo naftiisa kamid ah. Qaybtii kalsoonida. Qaybtii geesinimada. Qaybtii rajada. Tallaabo tallaabo, maalinba maalinta xigta, wuxuu bilaabay inuu dib u dhiso ninkii uu mar ahaan jiray.

Ugu dambayntiina wuxuu gartay, in soo kabashadu aanay ahayn hal maalin oo aad guul gaadhay, ee ay athay inaad maalin kasta doorato inaadan is-dhiibeynin.